Dawladda Jabuuti oo soo Bandhigtay Rejobeelka Wada-Hadalada Ankara

0
94

Jabuuti (Dawan)- Dowladda Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa meesha ka saartay in Dowladda Turkey guul ka gaadho dedaallada dhex-dhexaadineed ee ay ka dhex-waddo waddamada Ethiopia iyo Soomaaliya, iyada oo Jabuuti ay taas ku sababeysay mowqifyada ay labada waddan kala taagan yihiin oo aad u kala fog.

Gelinkii dambe ee Salaasadii dorraad waxa natiijo la’aan ku soo dhammaaday wejiga 2aad ee Wada-hadallo dhex-dhexaadin ah oo xukuumadda madaxweyne Recep Erdogan isugu keentay Wasiirrada Arrimaha Dibadda Ethiopia iyo Soomaaliya kuwaasi oo fashil ku soo dhammaaday, kaddib markii dhinac waliba ku adkaystay mowqifkiisa.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf oo u warramay Wargeyska Asharq Al-Awsat oo xaruntiisu tahay magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar, waxa uu ku dooday inay Dowladda Ethiopia u aamisan tahay Somaliland waddan madax-bannaan, taas oo uu sheegay inay ka soo horjeeddo eedaynta Soomaaliya u jeedisay Xukuumadda Addis Ababa ee ah inay ku soo xad-gudubtay midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

“Marka runta laga hadlo, aad bay u kala fog yihiin mawqifyada labada waddan ee ku aaddan mowduuca ixtiraamka madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed, waxaanu xaalku ku jiraa in midkood ka tanaasulo mowqifkiisa ku saabsan arrintan,” Sidaas waxa yidhi Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf oo u warramay Wargeyska Asharq Al-Awsat.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti waxa uu shaaca ka qaaday in dalkiisu diyaariyey qorshe xambaarsan wada-hadallo qarsoodi ah oo lagu soo afjari karo khilaafka labada waddan haseyeeshee waxa uu ka gaabsaday inuu wax faahfaahin ah ka bixiyo, sida uu qorey Wargeyska Asharq Al-Awsat.

Maxamuud Cali Yuusuf waxa uu ku dooday in dalkiisu dedaallo dheeraad ah u bixiyey dejinta xiisadda ka dhex-aloosan labada waddan isla markaana madaxweynaha Jabuuti isaga dab-qaaday labada hoggaamiye.