Madaxweynaha JSL oo Xadhigga ka Jaray Mashaariic Horumarineed oo Xukuumadu ka Hirgelisay Burco

0
73

Burco (Dawan): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo weftiga uu hoggaaminayo ee ku sugan magaalo madaxda gobolka Togdheer ee Burco, ayaa xadhigga ka jaray mashaariic kala duwan oo ay xukuumadu ka hirgelisay magaaladda Burco.

Sidoo kale madaxweynaha iyo weftigiisu waxay soo kor meereen qaar ka mida mashaariicda horumarineed ee xukuumadda Somaliland ka fulisay magaalada Burco, halka uu sidoo kalena madaxweynuhu dhagax dhigay mashaariic kale oo cusub oo laga hirgelin doono isla magaaladda Burco.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa ugu horrayn xarunta Wakaalada biyaha Burco warbixin kaga dhegaystay Maareeyaha Wakaalada biyaha Burco Sakariye Maxamed Ismaaciil (Lamuumbe), oo ka hadlay horumarka ay wakaaladu ku talaabsatay.

Isaga oo xusay maareeyuhu in wakaaladu ay waxqabad ballaadhan samaysay muddooyinkii u danbeeyey, kuwaas oo lagu balaadhiyay biyaha ay helaan bulshadda magaaladda Burco.

Sidoo kale Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhagax dhiagy saddex ceel-biyood oo cusub iyo kaydka biyaha magaalada Burco, waxaanu madaxweynuhu wakaalada biyaha iyo wasaaradda horumarinta kheyraadka biyaha ku boggaadiyay shaqada baaxada leh ee ay qaranka iyo shacbiga u hayaan.

Geesta kale madaxweynaha ayaa xadhiga ka jaray dhismaha cusub ee loo bineeyey wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta ee gobolka Togdheer, kaasoo laga dhisay badhtahama magaaladda Burco, isagoona madaxweynuhu kormeeray xafiisyada cusub.

Dhinaca kale madaxweyne Biixi Cabdi, ayaa booqday dhakhtarka weyn ee magaaladda Burco, halkaasoo oo ku soo eegay bukaanada kala duwan ee jiifa cusbitaalka guud, waxaanu madaxweynuhu bukaanada Alle SWT uga baryay inuu caafimaad taam ah siiyo, isla markaana ka dul qaado xanuunada haya.

Ugu danbayn madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa lagu soo dhaweeyey xarunta 2aad ee xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye uu ku leeyahay magaalada Burco isagoo madaxweynuhuna xadhiga ka jaray xafiiskaasi.

Waxaanu madaxweynuhu u mahad celiyay masuuliyiinta xisbiga Kulmiye ee gobolka Togdheer dedaalka balaadhan ee ay sameeyeen iyo sida ay uga go’an tahay ka shaqaynta hawlaha xisbiga Kulmiye.