Itoobiya oo Mar Kale Caddaysay Xaqiijinta Heshiiska Somaliland ee Dhinaca Badda

0
97

: Khadar M.Xaashi

Addis Ababa (Dawan) Afhayeen u hadlay Wasaaradda arrimaha dibedda Itoobiya Ambassador Nebiyou Tedla ayaa sheegay in Itoobiya ay ka go’an tahay in ay horumariso dedaalkeeda sharci iyo midka dublamaasiyadeed si ay u xaqiijiso himiladeeda ku aaddan helitaanka marin ay ka gasho badda.

Danjire Nebiyou oo saxaafadda kula hadlay Caasimadda Addis Ababa ayaa sheegay in Itoobiya ay uga mahad-celineyso Turkiga fududeynta wada-hadallada laba geesoodka ah ee u dhexeeyay Itoobiya iyo Soomaaliya kuwaas oo ka qabsoomay magaalada Ankara.

Waxaa kale oo uu xusay in Itoobiya ay ka go’an tahay hir gelinta heshiiska ay la gashay Somaliland isla markaana aanay wax gor gortan ah cidna kala geylayn iskaashiga iyo heshiiska ay Somaliland la gashay.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Itoobiya Ambassador Nebiyou Tedla waxaa kale oo uu tilmaamay inay socdaan dedaallo lagaga hortagayo iska horimaad aan loo baahnayn oo ku saabsan gelitaanka badda.

Dhinaca kale, afhayeenku wuxuu sheegay in Itoobiya ay si dhow ula socoto xaaladda dalka Lubnaan si loo xaqiijiyo ammaanka dadka Itoobiyaanka ah ee halkaa ku nool.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Raysal wasaaraha dawladda federaalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa 1-dii bishii January ee sannadkan 2024-ka waxay qallinka ku wada duugeen heshiis isfaham oo Itoobiya fursad u siinaya inay kaalin ku yeelato badda cas halka taas beddelkeeda ay Itoobiya noqon doonto dalkii kowaad ee aqoonsada Jamhuuriyadda Somaliland.