Bulshada Xaafada Cabaye oo dowladda hoose ka codsaday Dhismaha jidka Xaafaddaasi dhexmara

0
94

Qore: Cabdiwahaab Daahir

Hargaysa, (Dawan) Qaar ka mid ah bulshaweynta xaafada Cabbaaye ee magaalada Hargeysa, ayaa ka hadlay dhibta ay ka maraan jidka dhexmara xaafadooda, waxaaney codsi ay dhawaaq dheer ku direen warbaahinta u mariyeen masuuliyiinta dowladda hoose ee Hargeysa, waxaaney ka dalbadeen in arrintooda hoos loo eego oo wax laga qabto.

Xubno kamid ah gudida horumarinta xaafada Cabaaye ee Hilaac, ayaa sheegay in ay dhibaato ku qabaan adeegsiga wadadan, waxaaney sheegeen in burbur laxaadlihi soo gaadhay sidaas awgeed ay u baahan tahay in si deg deg ah wax looga qabto.

Geesta Kale Safiya Yuusuf Ismaciil, oo ka mid ah haweenka degan xaafada ayaa ka mid ahayd dadkii warbaahinta la hadlay waxaaney hoosta ka xariiqday dhibaatada ay ku qabto bulshada degan xaafada Cabaaye ee sida maalinlaha ah u adeegsata jidkani.

Waxaanu yidhi.”Waxay wadadani nagu haysaa dhibaato aad u badan, waanay wada jajabtay, dadkii iyo baabuurtii way ku dhiban yihiin, dhawr jeerna dowlada hoose waanu kala hadalnay, waxooga lacag ahna waanu ururinay, dowlada hoose waxaanu ka codsanaynaa in ay qaybteeda bixiso wadadana noo dhisto”.

Gaba-gabadii qaybaha kala duwan ee bulshada ku nool xaafada Cabaaye ee degmada 26-ka Juun, ayaa sheegay in ay jawaab ka sugayaan dowladda hoose ee caasimada, waxaaney fareen inay hoos u eegto waxna ka qabato cabashoodada