Guddida Doorashooyinka oo Fagaare ku soo bandhigey Nidaamka Hubinta Codbixiyayaasha Bayoomitiriga

0
72

Qore Khadar  M .Xaashi

Hargeysa (Dawan) Guddida doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa shalay xarunta guriga shaqaalaha dowladda ku soo bandhiggay nidaamka hubinta Cod-bixiyeyaasha Booyoomitrigga IRIS- BVVS.

Kulankaas waxaa ka soo qaybqaatay madaxda xisbiyada, ururrada siyaasadda, madaxda dalladda ururrada bulshada ee SONSAF iyo dadwayne ka mid ah codbixiyeyaasha ka diiwaangashan goobta guriga shaqaalaha.

Komishanka doorashooyinka Qaranku waxay halkaas si dhammaystiran uga warbixiyey hannaanka nidaamka hubiata Codbixiyeyaasha IRIS-BVVS ka, waxaana isla goobtaas si daahfuran loogu tijaabiyey nidaamka IRIS-BVVS, tijaabadaas oo laga qaaday qaar ka mid dadweynaha iyo madaxda Xisbiyada, Urradda ee ka diiwangashanaa goobta guriga shaqaalaha.

Madaxda xisbiyada iyo ururrada siyaasadda oo halkaasi ka hadlay, ayaa guddida doorashooyinka Qaranka la wadaagay dareenadooda taban iyo togan ee ay ka qabaan fullinta nidaamka hubinta Cod-bixiyeyaasha Booyoomitrigga IRIS-BVVS ka.

Geesta kale waxa ay dalbadeen in shir wadatashi ay isugu yimaadaan Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL.

Gaba-gabadii waxaa lays la qaatay in marka la soo dhameeyo Tijaabada Rasmiga (IRIS-BVVS Field Test), la qabto shir lays kula lafaguro dhammaan arrimaha la xidhiidha nidaamka BVVS.