Guddoomiyaha xisbiga UCID oo heshiiska Masar iyo Soomaaliya ku tilmaamay talaabo aan laga fiirsan

0
55

Hargeysa (Dawan) Guddoomiyaha xisbiga   UCID Mudane  Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in heshiiska ciidan ee Masar iyo Soomaaliya uu qalalaase galindoono Soomaaliya.

Sidoo kale Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in heshiiskaasi uu Soomaaliya ka dhigi doono sida Suudaan oo kale, isaga oo sheegay in dowlada Soomaaliya aanay Madaxweyne Xasan Sheekh ka danbayndoonin.

Waxaanu yidhi.”Dowladda beenta ah ee Xamar, Xasan Sheekh ka danbayn mayso, halkii u danbaysayna wuu ku dhuftayo heshiiska Masar wuxuu ka dhigayaa Soomaaliya Suudaantii labaad”

Geesta kale waxa uu sheegay in dhawaan la arki doono xoogag kala taabacsan Masar iyo Itoobiya oo ku dagaalamaya guddaha Soomaaliya, waxaana uu sheegay in go’aanka uu heshiiska ku galay Madaxweyne Xasan Sheekh uu muujinayo hoggaan xumo.

Waxaanu yidhi.”6 waddan ayuu la galay heshiis millateri caqli xumadiisa, Somaliland, waa la saxeexaya heshiiska Itoobiya, iskaashi millatari ayaynu yeelanayna Itoobiya, dhaqaalaha waanu isku furaynaa, cid hor joogsanaysaana ma jirto”