Qodobo Xasaasi ah oo ku jira Ajandaha Kalfadhiga 85-aad ee Golaha Guurtida

0
64

Qore: Boqore Axmed Cabdi

Hargaysa (Dawan) Golaha guurtida Somaliland ayaa loo qaybiyay ajandaha Kal-fadhiga 85-aad ee uu goluhu ku shaqayn doono inta lagu jiro kal-fadhigan.

Fadhiga loogu qaybinayay mudanayaasha Guurtida ajandaha ayaa waxaa ka soo xaadiray Xildhibaano aad u tiro badan, waxaan gudoominayay gudoomiyaha golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadaan, waxaanu ku wargaliyay xog-haynta golaha in loo qaybiyo mudanayaasha ajandaha kal-fadhiga 85-aad ee golaha.

Intaasi kadib mudanayaasha ayaa loo qaybiya qodobada uu ka kooban yahay ajandaha ay ku shaqayn doonaa inta kal-fadhigan lagu jiro.

Ajandaha golaha ayaa kal-fadhiga waxa lagu soo daray qodobo aad u muhiim ah kuwaasi oo ay xildhibaanadu aad uga doodi doonaan, isla markaasi ay go’aano kasoo saari doonaan si ay u gaadhisiiyaan cidda ay khusayso wax ka qabashadoodu.

Qodobada muhiimka ah ee ku jira kal-fadhiga 85-aad ee golaha ayaa wax aka mid ah:-

Ku wacyigalinta bulshada ka qayb galka doorashooyinka isku sidkan si nabadgelyo ah, dhamays tirka go’aamadii hore looga gaadhay colaadaha Ceel Af-wayn, Ceeryaan iyo Shiddan, kala xadaynta maamulka gobollada iyo degmooyinka dalka, wax ka qabashada arrimaha soo galootiga dhaqaala doonka ee sita kaadhka Zaadka, ka qayb galka iyo u qalab qaadashada Ictiraaf raadinta Somaliland ee doorka labada gole ee guurtida iyo Wakiillada, in xukuumadda iyo goleyaasha Qaranku sameeyaan siyaasad cad oo wax lagaga qabanayo arrimaha caafimaad ee ulshadu la il daran tahay, raadinta suqyo kale oo loo iib geeyo Xoolaha Somaliland, Xeerka xaqsiinta shaqaalaha dawladda, Xeerka Madax dhaqmeedka, Xeer hoosaadka labada gole.

Gebo’gabadii mudanayaasha golaha guurtida Somaliland ayaa inta lagu jiro kal-fadhigan 85-aad kaga doodi doona arrimaha khuseeya qodobadan, taasi oo marka uu dhamaado kal-fadhigani laga soo saari doono warbixin la xidhiidha nuxurka qodobada ay isla qaateen Xildhibaanadu in wax laga qabto, waxaana la gaadhsiin doonaa xukuumadda iyo cidda ay khusayso.