Wasaaradda Deegaanka oo Aqoon is Waydaarsi u Qabatay Bulshooyinka Deegaamadda Geed-deeble iyo Debis

0
99

QORE:KHADAR CABDI MUUSE

Wasaaradda Deegaanka iyo isbedelka cimiladda Somaliland ayaa sanadihii u danbeeyay ku hawlanayd sidii ay wax uga qaban lahayd u gaadhsiga sharci darada ah ee duur joogta dalkeena ku nool ee sida qarsoodiga ah wadamada dibada loogu dhoofiyo.

Si dhibaatadda ugaadhsiga sharci darada ah ee duur joogta gaar ahaana Harimacadka wax looga qabto ayaa wasaaradda deegaanka jamhuuriyadda Somaliland waxay diyaarisay goobo lagu xanaaneeyo xayawaanadda duur joogta ah.

Waxaanay wasaaradu hada gacanta ku hawsaa ku dhawaad 100 Harimacad, iyo sidoo kale noocyo kale oo duur joog ah oo ay ka mid yihiin Deero, Cawl, Guduudane ama Jiifaa, iyo noocyo kale oo u gaadh ah, kuwaasoo lagu hayo goobo lagu xanaaneeyo.

Labada goobood ee ugu waaweyn dalkeena ee ay ahda wasaaadda deegaanku u diyaarisay xanaanaynta duur joogta gaar ahaana Harimacadka waxaa ka mid ah deegaanka Geed-deeble, ee woqooyiga Hargaysa, iyo sidoo kale deegaanka Debis, ee  ka tirsan degmadda Cadaadlay ee isla gobolka Maroodijeex.

 

Hadaba qormadeena todobaadkan ee DEEGAAN JIRRE, waxaynu ku soo qaadan doonaa booqashooyin is xog waraysi iyo wax kala faa’iidaysi ah oo ay dhawaan yeesheen bulshooyinka ku kala dhaqan deegaamada Debis, ee degmadda Cadaadlay, iyo kuwa deegaanka Geed-deeble, ee degmadda Daarasalaam, iyadoo labada degmoba ay ku yaalaan gobolka Maroodijeex.

Waxaana deegaanka Geed-deeble booqasho aqoon korodhsi ah ku tegay maamulka degmadda Cadaadlay, odoyaasha, iyo waxgaradka, iyadoo xubnahaasi uu hogaaminayay xildhibaan Siciid Maxamed Ismaaciil (Sokeeye), oo ka tirsan mudaneyaasha golaha Wakiiladda Somaliland.

Sidoo kale waxaa booqashadaasi qayb ka ahaa saraakiil ka socday wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimiladda jamhuuriyadda Somaliland oo uu ka mid ahaa agaasimaha waaxda duur joogta ee wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimiladda C/qaanis Xuseen Siciid.

U jeedadda kulanka dhex maray waxgaradka iyo masuuliyiinta ka socday deegaanka Debi see degmadda Cadaadlay, iyo kuwa deegaanka Geed-deeble ayaa ahaa sidii ay maamulka, iyo masuuliyiinta, iyo odoyaasha, iyo waxgaradka deegaanka Geed-deeble aqoon korodhsi ugu gudbin lahaayeen xubnaha ka socday degmadda Cadaadlay.

Ugu horayn waxaaa halkaa weftiga ka socday Debis ku soo dhaweeyay guddoomiyaha deegaanka Geed-deeble ee  ka tirsan degmadda Daarasalaam, ee  gobolka Maroodijeex, waxaanu sheegay in u jeedadda ugu weyni ay tahay sidii ay ugu faa’iidayn lahaayeen sidii ay bulshadu u fahmi lahayd mashaariicda noocan ah ee ay dawladana ula sahqayn lahaayeen.

Isagoo arrimahaa ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaa noo yimid wefti ka socda deegaanka Debis, kaa soo ku saabsanaa is xog waraysi, la iska xog waraysanayay mashaariicda noocan ah, iyo faa’iidadda ka dhalatay, iyo bulshadu siday u fahmi lahayd mashaariicda noocan ah ee ay dawladda ula shaqayn lahayd.

Iyadoo ay kulamadda noocan ahi muhiim u yihiin, in wixii horumar ah la iskaga daydo, isla markaana la wanaajiyo xidhiidhka ka dhexeeya dawladda iyo dadweynaha. Si mashaariicda noocan ah loo dhiiri geliyo, loona horumariyo. Waanu soo dhawaynay xubnaha na soo booqday xogo badan baa la is waydaarsaday labadda dhinac ba, wixii khibrad ah ee  la kala faa’iidayna waa la kala qaatay.

Geed-deeble botanic-na wuxuu mar walba diyaar u yahay, maadaama uu hormood u yahay mashaariicda noocan ah, inuu mashaariicda socda iyo kuwa bilawga ahba, inuu soo dhaweeyo, oo xogta la kala qaato”.

Oday ka mid ah odayaasha deegaanka Geed-deeble, ayaa isna weftiga uga yimid Cadaadlay uga war bixiyay sida ay bulsho ahaan ula shaqeeyaan haayadaha dawladda ee gacanta ku haya xarunta xanaanaynta xayawaanka ee Geed-deeble, iyo xarunta kale ee dhir beerista ee isla deegaankaasi.

Waxaanu yidhi “Waxaa noo yimid qolo ka socotay mashruuca deegaanka Debis, ama reer Cadaadlay ah, oo uu hogaaminayay xildhibaanku, kuwaasoo aanu tusnay dhulkii laga shaqeeyay, iyo wixii meesha ka jiray. Anaguna waxaanu ugu mahad naqaynaa siday nooga qaateen, markay arkeen dhulka quruxdiisa iyo sida looga shaqeeyay. Wixii halkan laga qabtay reeer Cadaadlay si fiican bay ugu qanceen, anaguna waanu u mahad celinaynaa siday noogu yimaadeen, anaguna waanu ku faraxsan nay imaatinka ay noo yimaadeen”.

Geesta kale mid ka mid ahaa xubnaha waxgaradka ah ee  ka yimid degmadda Cadaadley, ayaa isna halkaa ka hadlay, waxaanu uga mahad celiyay bulshadda deegaanka Geed-deeble sida diiran ee ay u soo dhaweeyeen, iyo xogta wanaagsan ee ay ugaga faa’iideeyeen.

Waxaanu yidhi “Anagu waxaanu ka mid nahay weftiga ka yimid deegaanka Debis, u jeedkayagu wuxuu ahaa in aanu soo indho indhayno waxqabadka ka jira degmadani Geed-deeble, ee dhinaca wasaaradda Deegaanka ku saabsan. Waxaanu soo aragnay waxqabad fara badan, iyo duur joog uu ka mid yahay Harimacadka, oo qaab wanaagsan u nool, oo qaab wanaagsan loo xanaaneeyay.

Waxa kaloonu soo aragnay in deegaankani laga saaray dhamaanba dadkii ku dhex noolaa o dhan, kadibna shaqada laga qabtay. Anagana waxay u jeedadayadu ahayd indho indhayn baanu ahayn. Si aanu u ogaano in waxani ay anaga noo gaar yihiin in la nala qabo. Waxaanu qorshahayagu yahay in dadkii na soo dirtay si aanu Geed-deeble u soo eegno, aanu kula noqono”.

Sidoo kale waxaa isna halkaa ka hadlay mid ka mid aha odayaasha ka socday deegaanka Debis, ee degmadda Cadaadlay, waxaanu yidhi “Waxaanu halkan u nimid, indho indhayn, iyo in aanu aragno, sida quruxda badan ee looga shaqeeyay beertan quruxda badan. Beertani oo la geliyay hanta fara badan, isla markaana maanta ka ah dalka dhexdiisa mid aad iyo aad u muuqata, kuna nool yihiin xayawaano fara badan oo uu ka mid yahay Harimacadku.

Degmadda Cadaadley, waxaa ku yaala seere ka la mid ah oo la yidhaahdo Debis, waxaanu rejaynaynaa anagoo wasaaradda Deegaanka waxqabadkeeda uga mahad celinayna in isagana laga dhigo sida kan Geed-deeble oo kale.”

Agaasimaha Waaxda duur joogta ee wasaaradda Deegaanka JSL, C/naasir Xuseen Siciid, oo isna halkaa ka hadlay ayaa u sharaxay weftiga ka socday deegaanka Debis, sida ay u shaqayso xarunta xanaanaynta xayawaanka ee Geed-deeble.

Isagoo arrimahaa ka hadlayayna waxa uu yidhi “U jeedka safarkani wuxuu ahaa in odayaasha deegaanka Debis la soo tuso, oo ay soo indho indheeyaan, dedaalada ay wado wasaarada deegaanku, iyadoo kaashanaysa haaydda CCF, iyo GIVO, dedaalada laga sameeyay deegaanka Geed-deeble, oo ay shaqooyin baaxad leh ka socdaan.

Maadaama ay wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimiladu ka wado deegaanka Debis, oo loogu tallo galay in lagu xanaaneeyo duur joogta.Deegaanka Debis, sanadkii 2017-kii waxay wasaarada degaanku u astaysay, in ay noqoto goob lagu xanaaneeyo duur joogta, taasoo keentay in aanu dadka deegaanka ka wada shaqayno, sidii deegaankaasi dhirtana loogu ilaalin lahaa, duur joogtana loogu ilaalin lahaa.

Waxaanay soo indho indheeyeen odayaasha, guddoomiyaha, iyo xildhibaankuba dedaalada ka scoday deegaankan Geed-deeble.Waxaan ugu baaqayaa bulshada deegaanka Cadaadlay, Debis, iyo Gadhka Warsame Xaad-ba, in ay ka qayb qaataan dedaaladda ay wasaaradu ugu jirto, in sare loo qaado seeraha Debis”.

Ugu danbayn xildhibaan Siciid Sokeeye, ooka ka tirsan golaha wakiilada oo hogaaminayay weftigan ka socday degmadda Cadaadlay, oo halkaa ka hadlay ayaa  sheegay in ay ku wehelinayeen booqashadani guddoomiyaha degmadda Cadaadlay, iyo odayasha degmadda gaar ahaana Gadhka Warsame Xaad, iyo Debis, si ay bulshadda deegaanka Geed-deeble uga faa’iidaystaan wixii aqoon korodhsi ah ee la xidhiidha xanaanaynta iyo daryeelka duur joogta.