Rasuulka Allah (scw) wuxuu yidhi: โ Waxaad dabageli doontaan dhaqamada dadkii idinka horeeyey taako taako iyo dhudhun xataa haday god abeeso galaan waad ka daba galeysaanโ.
Asxaabta Rasuulka (Rc) ayaa ku yidhi โ Rasuulkii Allow ma Yahuud iyo Nasaara kuwa aan daba galeyno?. Markaasi Ayuu Rasuulka (scw) yidhi: โ Hadaa ayo kale ? โ Waa in aan iska ilaalina inaan dhaqankeena iyo akhlaaqdeena wanaagsan ee Islaamka ah ku bedelo inagoo ku daynayna dhaqamo shishiiye oo diinteena ka hor imanaya.























