“420 Milyen oo Dollar ayaa Somaliland kaga baxa Iibka Jaadka ay Itoobiya ” Xil Cabdikariim

0
64

Qore: Khadar M.Xaashi

 

Hargaya (Dawan) Gudoomiyaha guddida joogtada ah ee golaha wakiillada Somaliland Xildhibaan Cabdikariim Aadan Cumar oo gole waynaha la wadaagay warbixinta guddida iyo hawlqabadkii intii goluhu fasaxa ahaa ay guddidu qabteen ayaa sheegay in dhaqaalaha Somaliland kaga baxa soo iibsashada Qaadku uu yahay mid dadka iyo dalkaba dhiig bax ku ah, waxaanu sheegay inuu dhaqaale aad u badan ku baxo Qaadka Itoobiya laga soo iibiyo.

 

Gudoomiyaha guddida joogtada ah ee golaha Wakiillada ayaa golihiisa la wadaagay inay la kulmeen wasiirka wasaaradda horumarinta Maaliyadda Somaliland kaasi oo ay ka xog-waraysteen dhaqaalaha dalka iyo halka ay wax marayaan, waxaanu sheegay in wasiirku la wadaagay in lacag xad dhaaf ah ay ku baxdo iibka Qaadka ee Itoobiya, taasi oo uu wasiirku xusay  inay dhaawac ku tahay xasilinta lacagta shillinka iyo guud ahaan dhaqaalaha dalka waxaanu yidhi

“waxa jira lacag adag oo innaga gasha dalka Itoobiya, lacagtaasi oo u badan lacagta aynu Qaadka soo siisano oo sanadkii lagu qiyaaso 420 Milyen, lacagtaasi oo dhaawac wayn ku ah dhaqaalaheena  iyo xasilinta lacagta shillinka”.

 

Dhinaca kale gudoomiyaha ayaa sheegay in wasiirka horumarinta Maaliyadda Somalilad uu la wadaagay gudidooda in weli uu dalka ka jiro Sicir barar lagu qiyaasay 9.6 kadib daraasada ay ku sameeyeen saamaynta Sicir bararka, waxaanu sheegay in uu sababay qiima dhaca Shillinka Somaliland.

 

Geeska kale gudoomiyaha guddida joogtada ah ayaa golihiisa la wadaagay in uu wasiirka Maaliyadda Somaliland uu uga warbixiyay in dhaqaalaha dalka ay saamayn ku yeesheen Suuqii Wajaale oo xidhmay iyo Xuutiyiinta oo xaalad ka abuuray Biyaha Badda Cas iyo gubashadii Suuqa Waaheen arrimahaasi oo is biirsaday ayaa ka qayb qaatay saamaynta dhaqaale iyo inuu yimaado hoos u dhac dhaqaale.