Golaha Guurtida JSL oo ku Baaqay In Diyaar Loo Noqdo Difaaca Qarannimada Somaliland

0
81

Qore: Boqore Axmed Cabdi

Hargaysa (Dawan) Golaha guurtida Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shacabka iyo dawladda ugu baaqay in diyaar loo noqdo difaaca Qaranimada dalka, taasi oo ay sheegeen in ay Soomaaliya bilawday dagaal qaawan.

Fadhi ay lahaayeen Xildhibaanada golaha guurtida Somaliland, kaasi oo uu gudoominayay gudoomiyaha golaha Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa waxa ay si adag ugaga hadleen daan daasiga dagaal ee ay Soomaaliya ku kacayso mudooyinkan, iyaga oo bilaabay inay la dagaalamaan dhaqaalaha iyo shirkadaha xidhiidhka la leh Somaliland.

Xildhibaanada guurtida oo ka doodayay qodobka xaaladda taagan ee ajandaha kal-fadhiga 84-aad ee golaha ayaa ku ekeeyay doodooda inay kaga jawaabaan dagaalka ay Soomaaliya ku soo qaaday Somaliland, waxaanay soo jeediyeen in gebi ahaan ba meesha laga saaro wada hadaladii u dhexeeyay Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanay ugu baaqeen goleyasha Qaranka in qaraar gole lagu joojiyo wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya xukuumaduna ku taageero goleyaasha xeer dajinta.

Dhinaca kale Xildhibaanada golaha guurtida Somalilad ayaa soo jeediyay in shirkad kasta oo qaadata awaamiirta Soomaaliya in dalka laga masaafuriyo oo si degg degg ah looga saaro.

Mudanayaasha guurtida ayaa sidoo kale ku baaqay in la adkeeyo midnimada iyo wadajirka bulshada si looga hortago cadaw kasta oo raba inuu hagar daameeyo dalkan iyo dadkan.

Gebo’gabadii gudoomiyaha golaha guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa sheegay in ka shir-gudoon ahaan ay ka tashanayaan xaaladaha soo kordhay ee dagaalka Soomaaliya iyo sidii looga hortagi lahaa, waxaanu ku wargeliyay mudanayaasha in ay kusoo warcelin doonaan.