khadar cabdi muuse
Jarista dhirta, iyo Dhuxulaysiga ayaa faro baas ku hayay dhirtii Somaliland sodonkii sanadood ee u danbeeyay. Iyadoo na la xaalufiyay dhirtii qiimaha lahayd, ee dhulkeenna ka bixi jirtay.Dhibaatadaasi darran ee soo waajahday dhirta waxay wasaaradda Deegaanka, iyo Isbedelka Cimiladda JSL ay dedaal badan ku bixisay sidii wax looga qaban lahaa.
Dhuxulaysiga lagu gumaaday dhirtii dalka waxa uu dhulkeenii dhaxalsiiyay in ay halkoodii bedeleen dhir aan qiimo lahayn.
Dhirtaasi waxaa ka mid geedka loo yaqaanno Garan-waaga, oo inta badan dhulkii qabsaday, kaasoo inagaga yimid wadamo shisheeye, isla markaana wax manaafacaad ah oo uu leeyahay aanay jirin.
Si wax looga qabto dhibaatadaasi dhuxulaysigu ku hayo deegaankeena ayaa wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimiladda Somaliland waxay dedaal dheer u gashay sidii ay wax uga qaban lahayd jarista dhirta dhuxusha laga shido. Sidoo kale waxay wershadani isla geedka Garan waaga ka soo saaraysaa waxyaabo kale oo cuntooyin ay ka mid yihiin.
Waxaana sanadkii 2022-kii dalkeena laga hirgeliyay wershad geedka Garan Waaga dhuxul ka samaynaysa, taasoo ay dalka keeneen muwaadiniin u dhashay dalkeenan Somaliland. Waxaanay wershadani Garan-waaga, u bedelaysaa waxyaabo fara badan oo ay ka mid yihiin Dhuxusha, Calafka Xoolaha, iyo Cunto ay dadku quudan karaan.
Hadaba, qormadeena todobaadkan ee DEEGAAN JIRRE, waxaynu ku soo qaadan doonaa faa’iidadda ay dalka ku soo kordhisay wershadani geedka garan waaga, dhuxusha ka samaynaysa, iyo sidoo kale bad-baadada ay wershadani u keenayso dhirtii qiimaha lahayd ee dhuxusha laga shidan jiray.
In dhuxul laga sameeyo geedka Garan waaga ayaa ah mid ay si weyn u soo dhawaynayaan masuuliyiinta wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimiladda Somaliland iyo sidoo kale haayadaha caalamiga ah iyo ururadda maxaliga ah ee ka shaqeeya arrimaha ilaalinta deegaanka iyo dhirta.
Waxaanay tallaabada hirgelinta wershadani wax weyn ka taraysaa sidii loo bad-baadin lahaa kumanaan dhir ah oo sanad kastaba la jari jiray, kuwaasoo dhuxul laga shidan jiray, iyadoona ay arrimahaasi qayb weyn ka qaadanayeen dhibaatada ay isbedelka cimiladu ku hayso dhulkeena.
“Anaga ka wasaarad ahaan waa maalin nagu weyn. Geedkii Gara-waaga, waxay wershadani ka samaysay Dhuxul, Calafkii Xoolaha, iyo Cunto ay dadki quudanayaan. Aad iyo aad baanu u soo dhawaynaynaa wershadan uu hirgeliyay muwaadinkani. Runtii waa maalin ku weyn wasaaradda Deegaanka. Waxaana halkan ina la jooga Guuleed, oo aasaasay wershadan Garan-waaga, Dhuxusha ka samaynaysa.
Waxaanu xaqiijiyay riyadiisii ahayd, inuu Dhuxul ka soo saarro geedkan aynu u bixinay Garan-waaga. Haddii markii hore aynu garan waynay Garan-waaga, imika waynu baranay faa’iidadiisa iyo waxa uu yahay” ayay tidhi wasiirka Deegaanka Somaliland Shukru Baandare, oo ka warbixinaysay faa’iidadda iyo waxtarka wershadani.
Ma aha oo keliya in wershadani ay soo saarayso dhuxusha laga sameeyay geedka garan waaga, balse sidoo kale waxay cuntooyin iyo calafka xoolaha ka samaynaysaa isla geedkan garan waaga.
Mar kale waa tan wasiir Shukri Baandare, oo sharaxaysa sida loogu baahnaa in laga faa’iidaysto geedka Garan-waaga, iyo muhiimadda ay siinayaan wasaarad ahaan wershadan uu hirgeliyay muwaadinkani. “Wershadani waxay soo saaraysaa Calafkii Xoolaha, waxa kaloo uu ka sameeyay Loxoox, iyo Keeg. Garan-waaga, isagii oo jaban, isagoo dalka laga helayo, isagoo nadiif ah, isagoo aan Qiiq lahay, waa Dhuxushii intaas oo dhami, ayaa gurigaaga laguugu keenayaa” ayay tidhi Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare.
Hadaba su’aashu waxay tahay maxaa ku dhaliyay aasaasaha wershadani in dalka laga hirgeliyo?
Guuleed Axmed Cabdi, aasaasaha wershadan Garan-waaga Dhuxusha u bedelaysa ayaa ka waramay waxyaabihii ku dhaliyay inuu hal-abuurka wershadan la yimaado, iyo waxyaabaha faa’iidadda leh ee ay soo kordhisay wershadani.
Waxaanu sheegay Guuleed Axmed Cabdi, kadib markii uu arkay dhibaatadda uu geedka Garan-waagu leeyahay inuu go’aansaday sidii looga manaafacaadsan lahaa geedkaasi. Wuxuu ka waramay waxyaabaha ku dhaliyay inuu wershadan aasaaso,
Isagoo arrimahaa ka hadlayayna waxa uu yidhi, “Dhulkeena 90% geedihii waa la jaray. Dhirteenii waxaa ka hadhaya Garan-waa. Geedka Garan-waaga, waan jarnaa, kadib na Dhuxul baan ka samaynaa.Dalkeenii waad aragteen, 90% geedihii caadiga ahaa waa la dhameeyay, oo waa la jaray, Dhuxul ayaana loo isticmaalay.
Maanta dalkeenii waxaa ka hadhay Garan-waa. Lix sanadood ka hor ayaan ku fikiray wershadani, mrkaanu aragnay in aanay dhirteenii wax b aka hadhin. Mishiin cusub baan keenay, oo Ameerika laga isticmaalo, Kenya, na waa laga isticmaalaa. Laakiin, wadamadda kale inaga ayaa u horayna.
Geedka Garan-waaga, xaafadda Badda Cas, iyo dooxa Hargaysa, Dhuxul ayaanu ka samaynaa. Qiimaha Jawaanka Dhuxusha Garan-waaga laga sameeyay waa 110,000 oo shillin Somaliland ah, guriga ayaana laguugu keenayaa. Garan-waagii, maanta wax buu tarayaa, oo imika ayaa looga guurayaa Gaasta wax lagu karsado. Muhiimadayadu waa in geedaha kale la daayo, oo Garan-waaga la isticmaallo”.
Waxa kaloo uu saadaaliyay Guuleed Axmed Cabdi, in haddii aan sanadaha soo socda la jarin ama wax laga qabn geedka Garan waaga, inuu qabsan doono dhul aad u baaxad weyn, isagoo maalin ba maalinta ka danbaysa ku sii fidaya dalkeena.
“Haddii aynaan jarin geedka Garan-waaga, sanad ba sanadka ka danbeeya kala badh dhulka Somaliland wuu qaadanayaa. Maalin walba wuu soo korayaa, beerihii wuu qabsaday dadkii Miyiga, xoolihii baa ku dhibtooday, xoolihii na wax kaloo ay cunaan ma hayaan, oo geedihii kale waa la dhameeyay. Garan-waagu, wuxuu dhibaato weyn ku yahay deegaanka” ayuu yidhi Guuleed Axmed Cabdi, aasaasaha wershadan geedka Garan waaga
Dhuxusha ka samaynaysa.
Geesta kale Moofooyinka soo saara Roodhida, eek u yaala magaalooyinka dalka ayaa iyagna loo isticmaalaa Xaabo, aad u fara badan, taasoo berigii hore laga soo guri jiray dhirta qalashay, hase yeeshee markii danbe waxaa loo gudbay xataa dhirtii qoyanadayd.
Sidoo kale waxaa iyagna soo dhaweeyay in dalka laga hirgeliyo wershadan geedka Garan waaga dhuxusha ka samaynaysa masuuliyiinta iyo mulkiileyaasha Moofooyinka Roodhiga, ee magaaladda Hargaysa iyo magaalooyinka kale ee dalka.
Maxamed Kayd Halac, guddoomiyaha ururka Moofooyinka soo saara Roodhida isticmaalla Xaabadda, oo isna halkaa ka hadlay ayaa soo dhaweeyay shaqadda cusub ee ay bilawday wershadani. Waxaanu sheegay in haddii ay yihiin Moofooyinka isticmaalla Xaabadda, in ay u wareegi doonaan Xaabadda geedka Garan-waaga.
Isagoo arrimahan ka hadlayayna waxa uu yidhi “Haddii aanu nahay Moofooyinka, waxaa jira Moofooyin naga sii hooseeya,….. cuntooyinka aynu cuno, wax biyo ayay ku bislaadaan, ama Solar ha lagu bisleeyo, ama Koronto, wax na Xaabo ayay ku bislaadaan. Shirkii aanu wada galnay, waanu isla waafaqnay sidaa ay wasiirku sheegtay, in la isticmaallo Xaabadda Garan-waaga, imika na waanu u guuraynaa ba”.
Dhinaca kale wershadan ayaa noqonaysa tii u horaysa oo nooceeda ah oo dalka laga hirgeliyo, iyadoo na la filayo in ay wax badan ku soo kordhin doonto wadanka.
Geedka Garan-waaga ayaa dhibaato ku noqday dhulka ama deegaanka labaatankii sanadood ee u danbeeyay, kaasoo aanay jirin haba yaraatee wax faa’iido ah oo uu u lahaa dadka, deegaanka, iyo duunyadaba.
[17:40, 25/08/2024] Khadar: waa kaa sxb