Madaxwaynaha JSL oo Bogaadiyay Kaalinta Naf Hurka ah ee Bulshada Gobollada Bari ay Dalka Ugu Jiraan

0
67

Khadar M. Xaashi

 

Haragysa (Dawan) Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa qiray kaalinta naf hurka ah ee bulshada gobollada Bari ay ugu jiraan dalka, taas oo uu ka garaabay in ay saamayn ku yeesheen isbadelka Cimilada iyo roob yaraantu balse ay heegan ugu jireen sidii ay dalkooda u difaaci lahaayeen.

Sidoo kale Madaxwaynaha Somaliland ayaa sheegay in aanay marnaba damqanayn bulshada Barigu  ay u adkaysanayeen duruuf kasta oo colaadeed oo ay ku jiraan, diyaarna u ahaayeen difaac dalka iyo doorashada oo hirgasha si aan dhibaato u dhicin.

Madaxwaynaha ayaa bulshada gobollada Galbeedka ku wargaliyay in ay hiilkooda sugayaan bulshada Barigu oo loo baahan yahay in ay u gurmadaa oo ay wax taraan waxaanu sidan ka sheegay mar uu la hadlayay bulshada Hargaysa oo soo dhaweeyay waxaanu yidhi

“Gobolada bariga waxaanu kalasoo kulanay dad diyaar u ah difaaca dalkooda oo colaada ku jira oo aan deganayn oo hadh iyo habeen soo taagan oo cadawga iska ilaalinaya oo roobku ku yaraa oo meelaha Miyugu aad u kululaayeen haddana aad iyo aad u adkaysanaaya oo diyaarna u ah In doorashadana ay galaan si aan dhexdeena wax hadal ah oo dambe aanuu uga dhicin.”

Dad aad idiin sugaaya haddii aad gobollada Galbeedka tihiin oo sugaaya wax la qabashadiina iyo gurmadkiina oo dhinac walba ah, waayo waxa aad u haysatay cimiladii oo is badeshay iyo roob yari iyo colaado iyo hawl badan baa dadkaasi hayeen, waxaanayse u damqanayn oo ka sinaayeen difaac Qaranka Somaliland iyo in Dimuqraadiyadu hirgasho oo dadkuna israaco aad bay idiin sugayeen oo ay idiin tirsanayeen gobollada Galbeedkoow.

Waxaan leeyahay maanta sanadkan labada qodob ee inoo yaalaa waa difaac Qaranka oo kow ah iyo doorashada oo laba ah