Siyaasiyi War-somali Side iyo Odayaal Difaaca Qaranka ku Taageeray Madaxweynaha

0
56

Ceerigaabo(Dawan)Siyaasiyi Cabdiraxamaan War-somali sde iyo odayaal   ka soo jeeda Gobolka Sanaag  ayaa taageero u muujiyay  Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Cabdiraxmaan  iyo waxgarad ka soo jeeda Gobolka Sanaag  oo ka hadlay Magaalada Ceerigaabo ayaa  sheegey in Xukuumadda ku garabtaagan yihiin difaaca dalka.

Siyaasiga  Cabdiraxmaan War Soomaaliside ayaa waxa uu  ku amaanay Madaxweynaha  socdaalkii uu ku tagay Gobalka Sanaag.Waxaana uu yidhi”Madaxweyne waad ku mahadsantay socdaalkii  aad  ku  timid  Magaalada Ceerigaabo,waxaana aanu u imid halkan soo  dhawaynta Madaxweynaha.dekeda Maydh waxa hirgaliyay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi waana uga mahadnaqaynaa,”.

Sidoo kale mid ka mida odayaashan ayaa waxa uu tilmaamay ay garabtaagan yihiin Xukuumadda.Waxaana uu yidhi”Waanu ku barbar  taaganahay Madaxweynaha dalka difaaciisa,dalka  wax badan ayuu u qabtay,waanu barbar taaganahay Madaxweynaha cod  Ciidan iyo si kasta waana mutaystay.”.