“Soomaaliya Dawladd Maaha, Duniduna Waxay u Taqaan Dawlad Fashilantay” Wasiirka Warfaafinta JSL

0
75

Qore: Cabdiwahab Daahir

Hargaysa (Dawan) Wasiirka wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyi-galinta JSL ah na Afhayeenaka xukummadda  Xasan Cali mareexaan, ayaa Jawaab adag ka bixiyey Warqad  Qoraal ah oo kasoo baxday Maamulka Taagta Daran ee Somaliya.

Hadalka wasiirka ayaa ku soo beegmaya kadib markii ay maamul Somaliya Go,aansatay in ay laba jirbaarto Curyaaminta dhinaca Ganacsiga, Deeqaha Calamiga, Abuurista Xasilooni Darro iyo waxkasta oo lagu Wax yeelaynayo Somaliland.

Wasiirka oo arrintan ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi. ” Marka hore Dawlda maaha, duniduna waxay u taqaan dawlad fashilantay, waraaqay ku dagaalamayaan Xasan Sheekh iyo dawladiisu, itaalkooduna waa intaas.

Geesta kale wasiir Cali Mareexaan, ayaa digniin u diray dhamaan shirkadaha Ganacsiga iyo Xawaaladaha, isagoo sheegay inaanay u hogaansami karin Awaamiiirta ka soo baxaya soomaliya, cidkasta oo isku dayda inay u hogaansatana dawlada Somaliland ay ka qaadi doonto Talaabo Sharciga waafaqsan.

Gabo’gabadii, waxa arrintintan Soomaliya ka soo baxday Jawaab adag ka bixiyey Xildhibaano ka tirsan golaha wakiilada, xisbiyada mucaaridka, Siyaasiyiin, Aqoonyahan, xukuumadda iyo dhamaan shacabka Somaliland, kuwaasi oo sheegay in difaaca Qaranka meel looga soo wada jeesto.