Barnaamijka Barashadda Dastuurka iyo Waddaniyadda oo ka Socda Qaar ka Mida Dugsiyadda Sare ee Caasimadda Hargaysa

0
58

Qore Khaddar Cabdi Muuse

Hargaysa (Dawan): Wasaaradda Xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka jamhuuriyadda Somaliland ayaa shalay soo kormeertay qaar ka mid ah dugsiyadda waxbarashadda ee ku yaala caasimadda Hargaysa.

Waxaana kormeerkaasi hogaaminayay agaasimaha guud ee wasaaradda Xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka Somaliland Deeqa Cabdi Yuusuf, oo uu wehelinayay guddoomiyaha waxbarashadda ee gobolka Maroodijeex, iyo agaasimaha waaxda barashadda dastuurka ee wasaarada xidhiidhka goleyaasha.

Kormeerkaasi ayay masuuliyiintaasi ku soo mareen dugsiyadda waxbarashadda ee kala ah Maxamuud Axmed Cali, Al-Irshaad Secondary school, dugsiga sare ee Cusmaan Binu Cafaan, iyo dugsiga sare ee caalami, dugsiyadaasi oo dhamaantoodba ku yaala caasimadda Hargaysa, isla markaana ka mid ah Iskuuladda uu ka scodo barnaamijka barashadda dastuurka iyo waddaniyada.

Waxaana barnaamijkaasi barashadda dastuurka iyo waddaniyadda iska kaashanaya wasaaradda waxbarashadda Somaliland iyo wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka, iyadoona qaar ka mid ah dusgiyadda sare ee magaaladda Hargaysa ay ka socoto barashadda dastuurka iyo waddaniyadda.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka Deeqa Cabdi Yuusuf, oo kormeerkaasi ka warbixisay ayaa sheegtay in sanadkan wixii ka danbeeya in dugsiyadda hoose, dhexe, ilaa sare, in barashadda dastuurka iyo waddaniyadu ay noqon doonto xiisad ka mid ah duruusta ardayda loo dhigo.

Wxaanay tidhi “In dugsiyadda waxbarashadda la keeno qorshaha ay xarunta barashada dastuurku la timid, ka wasaarad ahaan waanu kula shaqaynaynaa. Waxaananu jecel nahay in sanadkan wixii ka danbeeya in dugsiyadda hoose, dhexe, ilaa sare, in barashadda dastuurka iyo waddaniyadu ay noqoto xiisad ka mid ah oo ardayda la baro dalkiisa, dastuurkiisa, iyo xeerarka dalka.

Idinkana waxaan idinka rejaynayaa in sidii Iskuuladii hore ay macalimiintu uga mahad sheegteen, idinkana maanta la idinka mahad sheegan doono. Xeerarka dalka oo uu dastuurku ugu sareeyo, xuquuqo badan oo uu muwaadinku leeyahay ayaa ku jira, iyo xaqa uu dalku inagu leeyahay. Waxaana loo baahan yahay in xaqa uu wadanku inagu leeyahay inaan aad u abrano”.

Guddoomiyaha waxbarashadda ee gobolka Maroodijeex, Maxamed Xuseen, ayaa ardayda kula dar-daarmay in ay ka faa’iidaystaan tababaradda la xidhiidha barashadda dastuurka iyo waddaniyadda, waxaanu ardayda ku booriyay in ay si buuxda u qaataan casharada la bari doono.

Waxaanu yidhi “Waddaniyadu waa kal-gacaylka aad u qaadi karto wadankaaga. Wadanku waa wax qaali ah, qof kastaana waxa uu ku hagar baxaa wadankiisa, qolyaha wadamada dibadda u hiloobay, waxaa laga yaabaa in ay maanta u soo hiloobayaan wadankoodii. Dhibaatooyin badan baana ku haysta, cashuuro fara badan oo aanay qaadi karin ayaa la dul saaray”.

“Adigu halkan (wadankaaga) waxaad ku haysataa Hawadaadii, waxaad ku haysataa Qorax saafi ah, waxaad ku haysataa nabad geliyo. Markaa wadankaaga in aad barataa waa muhiim, iyo shuruucdiisaba. Waxaan aad iyo aad idiinku dar-daarayaa in aad wadankiina jeclaataan, oo wax alaale iyo wixii ku xun na, aad kala dagaalantaan, wixii u wanaagsan na aad u qabataan” ayuu yidhi guddoomiyaha waxbarashadda ee gobolka Maroodijeex.

Geesta kale maamuleyaasha, macalimiinta, iyo masuuliyiinta dugsiyaddii ay xubnahani kormeerka ku soo mareen ayaa si weyn u soo dhaweeyay barnaamijkani barashadda dastuurka, waddaniyadda iyo shuruucda dalka, isla markaana tallaabadani ay wax badan ka bedeli doonto aqoonta waddaniyadda ee ardayda.