Dariiqa dilaaga ah ee badweynta Atlantic iyo riyada reer Senigaal ee Yurub

0
54

Salamba Ndiaye waxa ay ahayd 22 jir markii ugu horaysay ee ay isku dayday in ay tagto Spain, iyada oo ku riyoonaysay in ay noqoto qof ka shaqeeya guryaha. Waalidkeed la’aanteed, ayay fuushay doon yar oo kalluumaysi oo loo yaqaanno Pirogue, laakiin booliiska Senegal ayaa qabtay ka hor intii aanu dhoofin.—

Sannad ka dib Ndiaye ayaa mar kale isku dayay, iyada oo raacday Doon kale, way ka dhooftay xeebta laakiin intaanay gaadhin Spain duufaan xoog leh ayaa ku khasabtay doonta inay ku leexato Morocco, halkaas oo Ndiaye iyo rakaabkii kaleba dib loogu celiyay Senegal.

In kasta oo ay laba jeer isku day ay ku guuldarraystay, 28-jirkan waxa ka go’an in ay mar kale isku daydo. “Hadda, haddii la ii sheego inay jirto Dooni tegaysa Spain, waan ka tagi lahaa,” ayay tidhi.

Ndiaye waa mid ka mid ah kumannaan dhallinyaro ah oo reer Senegal ah oo isku daya inay sannad kasta ka tagaan waddanka ku yaalla galbeedka Afrika si ay u tagaan Spain, iyaga oo ka cararaya saboolka iyo la’aanta fursadaha shaqo. Inta badan waxay beegsanayaan jasiiradaha Canary, oo ah jasiirad Isbaanish ah oo ka baxsan xeebaha Galbeedka Afrika, taas oo loo isticmaalo Salaan ama jaranjaro lagu gaadho qaaradaha Yurub.

Tan iyo bilowgii sanadkan, in ka badan 22,300 oo qof ayaa soo degay jasiiradaha Canary, taas oo boqolkiiba 126% ka badan isla muddadab ee sannadkii hore, sida lagu sheegay tira koob ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Spain.

Iyada oo inta badan muhaajiriinta ka tagaya Senegal ay yihiin rag dhalinyaro ah, hadana shaqaalaha gargaarka ee jasiiradaha Canary waxay sheegaan in ay sii kordhayaan tirada haweenka da’da yar sida Ndiaye oo kale ee naftooda halis galinaya.

Horaantii sanadkan, Midowga Yurub wuxuu Mauritania la saxeexday heshiis 210 milyan oo Yuuro ah si loo joojiyo dadka wax tahriibiya ee u soo duulaya Spain. Balse heshiiska hadda saameyn yar ayuu ku yeeshay soo galootiga imanaya.

Ra’iisul Wasaaraha Spain Pedro Sánchez ayaa booqan doona Mauritania, Senegal iyo Gambia todobaadkan si uu wax uga qabto tahriibka. Waddamada Galbeedka Afrika ayaa ah meelaha ugu badan ee lagu soo rogo muhaajiriinta ku safraya doonyaha.

Jidka Atlantic ee ka yimaada Galbeedka Afrika ilaa jasiiradaha Canary waa mid ka mid ah kuwa ugu dhimashada badan adduunka. Inkasta oo aanay jirin tiro sax ah oo dhimashada koobaysa sababta oo ah xog la’aanta ka bixista Galbeedka Afrika, kooxda xuquuqda muhaajiriinta ee Isbaanishka ee Walking Borders ayaa ku qiyaastay in dhibanayaasha ay yihiin kumanaan kun sanadkan oo keliya.

Doonyaha muhaajiriinta ee lumaya ama la kulma dhibaatooyinka ayaa inta badan lagu waayaa badweynta Atlaantigga, iyada oo qaarkood ay badda dhex mushaaxa ama dul sabeeya muddo bilo ah waxa laga helaa ama ay ku caaryaaan xeebaha Kariibiyaanka iyo Laatiin Ameerika iyaga oo sidda hadhaaga dadkii ay sideen.

Laakiin khatartaasi ma aha mid hor istaageysa dadka sida Ndiaye oo kale ah, kuwaas oo aad u doonaya in ay nolol wanaagsan uga helaan naftooda iyo qoysaskooda Yurub. Hal ku dhigan “Barsa wala Barsakh,” oo macnihiisu yahay  “Barcelona gaadh ama dhimo” waa hadal ka mid ah luqada Wolof oo ka mid ah luqadaha qaranka Senegal, waa hal-ku-dhega guud ee ay isku geesinimo geliyaan kuwa ku safraya jidka dilaaga ah.

“Xitaa haddii aan halkaan sii joogno, waxaan ku jirnaa khatar,” ayuu yidhi Cheikh Gueye oo 46 jir ah, kana mid ah kalluumeysato kana yimid magaalada Thiaroye-sur-Mer, oo ku taal duleedka caasimadda Senegal oo magaalada ay Ndiaye ka soo jeedo.

“Haddaad xannuunsato  oo aanad iska bixin karin kharashka daawaynta, miyaanad khatar ku jirin? Markaa, waanu ka faa’iidaysannaa fursadeena, waanu gaadhi ama nooma ah,” ayuu raaciyay.

Gueye ayaa sidoo kale isku dayay inuu gaadho Yurub inkasta oo marinka Atlantic, laakiin kaliya wuxuu u sameeyay Morocco ka dib cimilo xumo, waxaana dib loogu celiyay Senegal.

Sida dad badan oo deggan Thiaroye-sur-Mer ay yihiin dadku nolol wanaagsan ayey ka heli jireen Thiaroye-sur-Mer oo kaluumaysato ayey ahaan jireen ka hor inta aanay bilaabin in kaydka kalluunku uu yaraado toban sano ka hor sababta oo ah kalluumaysiga xad-dhaafka ah.

“Doonyaha waaweyn ayaa wax beddeley, ka hor xitaa carruurta aya shabag ku heli jiray,” ayuu yidhi Gueye, isaga oo tilmaamaya biyaha badda.

“Hadda waa inaan soconaa in ka badan 50 kiiloomitir, xitaa markaanu halkaa gadhno ma helo wax nagu filan, kaliya wax yar,” ayuu raaciyay.

Gueye iyo Ndiaye waxay eedeenayaan heshiisyada kalluumeysiga ee u dhexeeya Senegal iyo Midowga Yurub iyo Shiinaha, kuwaas oo u oggolaanaya maraakiibta jariifka warshadaha shisheeye inay ka kalluumaystaan ​​biyaha Senegal.