Hawlgalladii QM ee Gaza oo istaagay ka dib amar ka soo baxay Israa’iil

0
53

Qaramada Midoobay – Qaramada Midoobay ayaa sheegtay Isniintii in amaradii ugu dambeeyey ee ay bixisay Israa’iil ee ku aaddanaa in laga guuro qaybo mida marinka Qaza inay sababeen inuu joogsado hawlihii gargaarka bini’aadanimo ee ka socday marinka Qaza.

“Laga bilaabo saaka, kama shaqeyneyno marinka Gaza,” sidaasi waxaa saxaafadda u sheegay sarkaal sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay, isaga oo intaa ku daray in aanay ka bixi doonin dhulkan go’doonsan.

Axadii ayaa ciidamada Israel waxay soo saareen amaro cusub oo lagu farayo dadweynaha inay ka guuraan qaybo ka mida Deir al-Balah oo ku taalla badhtamaha Qaza, halkaas oo Qaramada Midoobay ay u rartay qaybaha ugu muhiimsan hawlgalkeeda marinka Qaza, bishii May, ka dib markii ay Israa’iil amarka ku bixisay in laga guuro magaalada Rafax ee ku taalla Koonfurta Qaza.

Sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, amarkan guurista ee ay Israa’iil soo saartay ayaa noqonaya kii 16aad ee ay soo saaraan bishan gudaheeda.

Masuulkan oo ka gaabsaday in magaciisa la shaaciyo ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay haysato saacado yar oo ay ku rarto shaqaaleheeda caalamiga ah iyo kuwa Falastiiniyiinta ah, iyo boqolaal qof oo kale oo ku tiirsan iyo weliba qalabka halkaas u yaalla isla markaana ay u raraan deegaanka Al-Mawasi oo ka mida deegaanada ay Israa’iil u calaamadisay inay yihiin marin ammaan ah.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in Israa’iil ay amar ku bixisay in laga guuro illaa 86% oo ka mida dhulka Qaza, taasoo keenaysa in dad gaadhaya 2 million oo qof in la isugu geeyo dhul aad u yar.