Japan oo sheegtay in diyaarad kuwa basaasida ah ee Shiinaha ay ku soo xadgudubtay hawadeeda

0
50

Japan ayaa ku eedaysay diyaarad basaas ah oo laga leeyahay dalka Shiinaha in ay ku soo xadgudubtay hawadeeda, taas oo noqonaysa tii ugu horaysay ee la ogaado ee xadgudub toos ah.

Japan ayaa kicisay diyaaradaha dagaalka ka dib markii diyaaradda ilaalada Y-9 ay “ku xad gudubtay hawada dhuleed” ee jasiiradaha Danjo qiyaastii laba daqiiqo saacadu markay ahayd 11:29 waqtiga maxalliga ah Isniinta (02:29 GMT).

Xoghayaha Golaha Wasiirada ee Japan ayaa ku tilmaamay jebinta “mid aan gabi ahaanba la aqbali karin” wuxuuna u yeedhay sarkaal ka tirsan safaaradda Shiinaha ee Tokyo isaga oo ka cabanaya.

Dhacdadan ayaa ku soo beegantay iyada oo xiisadda gobolka ay sare u kacday, halkaas oo Shiinuhu uu Maraykanka iyo xulafadiisa oo ay Japan ku jirto kula tartamayo.

Maamulka Japan ayaa soo saaray “ogaysiis iyo digniino” diyaarada Shiinaha intii lagu guda jiray duulaankii Isniintii, laakiin ma jirin wax hub ah oo sida qoryaha daran-dooriga u dhaca loo isticmaalay, sida laga soo xigtay warbaahinta Japan ee NHK.

Si kastaba ha ahaatee, dhacdadani waxay abuurtay walaac. Dowladda Japan ayaa sheegtay in ay la xidhiidhay Beijing qaab diblomaasiyadeed si ay cabasho xooggan uga muujiso duulaanka ayna ka dalbato in mustaqbalka laga hortago jebintan. Beijing wax jawaab ah kama bixin.

Tokyo ayaa sidoo kale dhawaan calaamadeysay joogitaanka maraakiibta Shiinaha ee ku sugan jasiiradaha Senkaku ee ku yaal badda bari ee Shiinaha, kuwaas oo uu sheeganayo Shiinaha halkaas oo ay Beijing u taqaan Diaoyus.

Jasiiradahan, oo aan cidna deganayn, balse laga yaabo inay haystaan ​​kayd shidaal iyo gaas, ayaa ah mid ka mid ah ilo dhawr ah oo xiisadi kala dhexaysay Beijing iyo deriskeeda – kuwaas oo intooda badan ah xulafada Maraykanka.

Mid kale waa jasiiradda Okinawa ee Japan, waa saldhigga ugu weyn ee militariga Maraykanka ee gobolka Aasiya-Pacific. Waxaa sidoo kale jira ciidamo Maraykan ah oo saldhigyo ku leh Taiwan, Filibiin iyo Kuuriyada Koonfureed.

“Soo galitaankan u dambeeyay waxa uu u ekaan karaa mid naxdin leh maadaama Shiinuhu u janjeedho in aanu si toos ah u gelin hawada Japan,” Professor Ian Chong, oo ah khabiir ku takhasusay siyaasadda arrimaha dibadda Shiinaha oo ka tirsan Jaamacadda Qaranka ee Singapore, ayaa u sheegay BBC.

“In kasta oo uu jiray hab-dhaqanka Shiinaha ee ku saabsan Taiwan iyo Filibiin sannadihii la soo dhaafay.”