Madaxweynaha Somaliland iyo Weftigii uu Hoggaaminayay oo si Ballaadhan Loogu soo Dhaweeyay Baligubadle

0
58

Bali-gubadle (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa shalay si ballaadhan oo aan kala hadh lahayn loogu soo dhaweeyey deegaanadda Gobolka Hawd, sida Degmada Gumburaha, degaanka Gurmar, mgaaladda Bali-gubadle iyo Degaanka Bali-cabane.

Kumannaan kamid ah shacabka ku dhaqan deegaannada Gumburaha, Gumar, Bali-cabane iyo Magaalo madaxda gobolka Hawd ee Bali-gubadle oo astaanta calanka Jamhuuriyadda Somaliland iyo caleemo qoyan lulaya, ayaa madaxweynaha iyo weftigiisa si ballaadhan u soo dhaweeyay

Madaxweynaha qaranka oo Baabuurka kasoo degay, markii gaadhay deegaanka Gumar ayaa mastaafo dheer la lugeeyey shacabkii soo dhaweyntiisa waddooyinka u taagnaa oo ay wejiyadooda ka muuqatay sida ay ugu faraxsan yihiin madaxweynaha qaranka iyo weftiga uu hormuudka u yahay.

Soo dhaweynta kaddib, waxa madaxweynaha iyo weftigiisa loo gelbiyey goob ay ka jeediyeen hadallo Cuqaal iyo waxgarad kasoo jeeda deegaanka Gumar, kuwaasi oo madaxweynaha iyo xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ku bogaadiyay horumarka iyo waxqabadka la taaban karo ee dalka ka hirgalay muddadii uu madaxweynuhu xilka hayay.

Sidoo kale waxa madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo weftigiisa si diirran oo aanay shacabku u kala hadhiln loogu soo dhaweeyay degmada Gubmuraha oo ka tirsan gobolka Hawd, halkaasi oo bulshada ku dhaqan deegaanka saqiir iyo kabiirba ay madaxweynaha iyo weftigiisa ku soo dhaweeyeen caleemo qoyan, calanka Somaliland, astaanka iyo calanka xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE.

Sidoo kale madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftiga ballaadhan ee uu hogaaminayo ayaa si ballaadhan loogu soo dhaweeyay magaalo madeaxda gobolka Hawd ee Bali-gubadle, sidoo kalena ah magaaladii xudunta u ahayd halgankii SNM ee lagu xoreeyay qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxgaradka, Odayaasha, Madax-dhaqameedka, Haweenka iyo dhalinyarada Gobolka Hawd, ayaa madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland u soo dhaweeyay si laab furan oo ay ka muuqato farxad, waxaanay madaxweynaha Somaliland ku bogaadiyeen horumarka iyo waxqabadka muuqda ee ay xukuumaddiisu ka hirgelisay gobolka Hawd.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftiga ballaadhan ee uu hoggaaminayo ayaa muddadii ay ku guda-jireen socdaalkooda gobolka Hawd waxay ay xadhiga ka jareen mashaariic horumarineed oo ay ka mid yihiin Xafiiska Xarunta Booliska gobolka Hawd, Xarunta Laanta Socdaalka ee Gobolka Hawd, Xarunta Baanka Somaliland ee Gobolka Hawd iyo Dhaam biyood oo aad u weyn, kaas oo laga hirgeliyay deegaanka Bidhiiqa ee goboka Hawd.