Shir-waynaha 6aad ee ICT-ga JSL oo Hargaysa ka Furmay

0
56

Qore Cabdiwahab Daahir

Hargaysa (Dawan) Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland ayaa shalay Magaaladda Hargeysa ka daah-furtay oo ku qabatay Shirweynaha 6-aad ee ICT-ga Jamhuuriyadda Somaliland.

Wakhti xaadirkan la jooga tignoolajiyada ayaa ah mid laf-dhabar u ah nolosha dadka ku kala nool daafaha caalamka, taas oo keentay in Dunidu noqoto hal Tuulo, isla markaasna fududaysay adeegyada isgaadhsiinta, ganacsiga, waxbarashada iyo wax kasta oo bulshadu u baahan tahay in ay si fudud ku helaan.

Geesta kale, shirkan ayaa waxa ka soo qaybgalay dhammaanba Shirkadaha kala duwan ee bixiya adeegga isgaadhsiinta ee Somaliland.

Shirkadaha Isgaadhiinta ayaa dhankooda mid kasta madasha shirka ku soo bandhigatay adeega ay bixiso. Gaba-gabadii Shirkan oo ay qabato Wasaarada Isgaadhiinta iyo Tigloolajiyadu Sanadkii ba mar isla markaasna socon doona muddo laba cisho ah ayaa waxa lagaga hadli doonaa Tignoolajiyada Casriga ah, waxaana sannadkan shirka halku dhig looga dhigey qaabaynta iyo isku xidhka Tigloolajiyada Somaliland.