Sirtaada Ha U sheegin Cadawgaaga!

0
47

Lixdameeyadii qarnigii la soo dhaafay xabsi ku yaalla dalka Jarmalka, waxa ka dhacday qiso la yaab leh oo xidhiidh la lahayd maxaabiista ku xidhan.

Maxaabiista xukuman ee jeelkan ku xidhan ayay ilaaladu ulaย  dhaqantay si naxariis daro. Iyadoo dhamaantood maxaabiista ay dhibtaasi haysatay, haddana waxa jiray hal maxbuus oo ka duwan dhamaantood, kaasi oo ku xukuna weliba xabsi aad u dheer.

Maxbuuskan waxa ay ilaaladu ula dhaqmaysay si heer sare ah oo naxariis leh. Tani waxa ay ka dhigtay maxaabiista inteeda kale inay ka dareen celiyaan sida ay ilaaladu ula dhaqanto maxbuuska mudada dheer ku xukuman.

Waxaana ay maxaabiistu isku raaceen in maxbuuskani yahay mid sirdoonka oo lagu dhex beeray isla markaana warkood u gudbinayo ilaalada iyo madaxda jeelka.

Maxbuuskan waxa uu markasta ugu dhaaranayay in uu keliya yahay maxbuus iyaga la mid ah oo aan wax xidhiidh ah la lahayn ilaalada. Laakiin maxaabiistu ma ay rumaysan waana ay ka shakiyeen.

Markii ay ka dayn waayeen arinka ayuu maxaabiista u sheegay sababta ay sida wanaagsan ula dhaqamaan, waxa jirtay in toddobaadkii maxbuuska loo ogol yahay inuu xaaskiisa ama dadka kale ee ehelka ah uu diro waraaq.

Waxaana saaxiibada jeelka uu mid mid u weydiiyay waxa ay ku qoraan warqaaha ay u dirayaan xaaskooda. Dhamaantood waxa ay u sheegeen inay uga waramaan meeshu inay ku dhibaataysana yihiin oo ilaaladuna ay si arxan daran ula dhaqman.

Laakiinย  maxabuuska ayaa u sheegay sababta ay ilaalada aan naxariista lahayn si fiican ula dhaqamaan waxaana uu yidhi :โ€ Anigu marka aan xaaskayga xaalkayga ugu waramo, halka ugu danbaysa warqadda waxaan ku qoraa in ilaalada xabsigu ay si fiican iila dhaqmaan. Weliba qaarkood ayaan si been ah magacooda ku xusaa warqadaโ€. Sababta aan sidaa u yeelaana waa aniga oo og in aan jeelka waraaqi ka bixin ilaa ay akhriyaan ilaaladu.

Haddaba idinkuna sidaa si la mid ah ugu qora waraaqaha. Maalmo ka dib markii ay sidaa yeeleen, waxa isbedelay dhaqankii ilaalada xabsiga. Mar danbe waxa ay ogaadeen in arinku yahay farsamo la qorsheeyay, markii waraaqihii dhamaantood wada noqdeen amaan, wax cabanaya laga waayay.

Intaasi ka dibna dhammaantood waxa ay ku yidhaahdeen: โ€œ Waxaan aad na bartay qaab cusub oo aan ugu raaxaysan karno ilaalada sharka, si aan ugu muujino inay fiican yihiin oo ay si wanaagsan noola dhaqmaanโ€.

Ugu danbaystiina Baadhis ka dibna maxaabiista ayaa sheegtay in maxabuuska farsamadan keenay. Ka dibna waxa ay ciqaabeen maxbuuskii sida raaxada leh u xidhnaa.

Waxa fiican in sirta aad ku badbaado ee maskaxdaada ka abuurto aanad u sheegin tartamayaashaada ama kuwa cadaowga kugu ah.