Xikmadaha Maanta

0
66

Denbiyada waxa asal u ah oo keena Kibirka waana kan Ibliis Naarta geliyay, Jacaylka iyo  in Aduunyada lagu dadaalo waa kii ka soo saaray Janada Nebi Adam (cs). Xasadku isaguna waa ka ku kelifay in Nebi Adam wiilkiisa (Qabiil)  uu dilo walaalkii  (Habiil).

Caalamadaha liibaanta iyo nolosha wanaagsan waxa ka mid ah : Mar kasta oo adoonka u korodho cilmi waxa u kordha tawaaduc iyo is dhul dhiga aan kibir lahayn, mar kasta oo u kordho aduunyona waxa bata taxadarkiisa iyo cabsidiisa uu Allah (sw) ka baqanayo, mar kasta oo ay u kordho sharaf iyo derejona waxa u siyaada usii dhowaanashaha uu dadka usii dhowaanayo iyo buuxinta baahiyahooda.

Wanaag waxa helay qofka kaga mashquula ceebihiisa , ceebaha  dadka kale. Waxaana jabay kan ilooba ceebihiisa oo u banbaxa sheegidda ceebaha dadka kale.

Dadka ka ugu caqli badani waa ka kula hadla garaadkooda