Difaaca Joogtada Ah Ee Noolaha!

0
56

Jiirku wuxuu godkiisa kasoo baxaa isagoo raadsanaya qaadkii uu raashin ka dhigan lahaa. kuwaasi oo inta badan ah xayawaanka ka itaalka yar. Ma jiro noole cunto laโ€™aan karaa. Xayawaanka itaalka daranina waxuu sii ugaadhsanayaa mid ka kasii tag daran.

ย 

Haddaba Rahu wuxu ka mid yahay xayawaanka caanka ah ee dunida kaasi oo laga helo qaarad kasta. Waxaana la sheegay inuu ka kooban yahay 2700 nooc, qaybo beriga ku nool oo biyaha gala wakhtiga ay tarankoodu gaadho,ย  iyo kuwo berriga iyo biyahaba ku nool.

Rahu wuxu dhalaa markiiba malaayiin beed ah, waxaana uu markiiba ku daboolaย walax jilicsan oo aad u dhadhan xun si uu uga ilaaliyo xayawaanada kale ee raashin ka dhigan lahaa.

Rahu wuxu ku ugaadhsadaa carabkiisa dheer taasi oo la ogaaday inuu leeyahay maado sida laydhka ugu dhegta hadba cayayaanka uu rabo inuu cuno. Waxa kale oo uu leeyahay laba dhegooda oo marka uu doono jidhkiisa kuwada dabolo. Waxa iyana mucjiso noqotay in Rahu marka uu ku jiro biyaha uu ka neefsado xuubkiisa sare. Xuubka ayaa leh godad yaryar oo khafiif ah oo u fudaydinaya inay hawada ogsijiintu soo marto. Laakiin marka uu beriga joogo waxa uu ka neefsada sanbabadiisa.

Raha ayaan raashinka aad ubadsan waxaana uu todobaadkii wax u cunaa saddex ama ugu badnaan afar jeer. Haddii uu Masku isku dayo inuu raashin ka dhigto , Marka uu afka geliyo ayuu Rahu soo daaya dheecaano sun ah taasi oo keenta markaaba Maskuna dhinto. Sidaa awgeed Masasku kuma dheereyaan ugaadhsiga Raha oo dhinac kasta difaac ka samaysta.