Madaxwaynaha oo Kulan la Qaatay, Waxgaradka, Dhalinyarada iyo Haweenka Degmada Sallaxley

0
50

Sallaxley (Dawan) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa kulamo kala duwan la yeeshay Cuqaasha, waxgaradka, Dhallinyarada iyo haweenka degmada Sallaxley.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi oo safar shaqo maalin-nimadii Arbacadii ku gaadhay magaalada Sallaxley, ayaa halkaas kulamo kala duwan kula yeeshay madaxda dhaqanka, haldoorka, dhallinyarada iyo haweenka reer Sallaxley.

Madaxweynaha, ayaa qaybaha bulshada uga mahadnaqay sida karaamada iyo kalgacaylka leh ee ay usoo dhaweeyeen iyo midnimada ay ku qaabileen.

Madaxda dhaqanka, Ganacsatada, aqoonyahanka, dhallinyarada iyo haweenka reer Sallaxley, ayaa madaxweynaha uga mahadnaqay safarkiisa shaqo ee uu Sallaxley uu ku tegay, waxana ay si cad u sheegeen inay taageero buuxda la garab taagan yihiin madaxweynaha iyo xukuumaddiisa, doorashada iyo difaaca qaran ee loo ballamayna diyaar u yihiin.

Mudanta Degmada Sallaxleya ayaa taageero isgarab taaga ah u muujiyaya Madaxwaynaha Somaliland iyo Xisbigiisaba, waxaanay balan qaadeen inay dib u dooran doonaa, kalana qayb qaadan doonaa hawl kasta oo Qaranka lagu horumarinayo.