Madaxweynaha JSL oo Waraaqaha Aqoonsiga ka Gudoomay Safiirka Itoobiya

0
54

Qore Khadar M.Xaashi
Hargeysa (Dawan) Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa waraaqaha aqoonsiga ka gudoomay wakiil cusub oo ay Itoobiya usoo magacawday Somaliland.
Teshome Shunde Hamito oo dhawaan ay Itoobiya u soo magacawday Somaliland, ayaa waraaqaha aqoonsiga ku wareejiyay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
“Safiirka ayaa Madaxweynaha Qaranka Somaliland u soo gaadhsiiyey salaan diiran oo uu uga siday Ra’iisal Wasaaraha dalka Itoobiya, Mudane Abiye Axmed Cali. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa soo dhaweeyey safiirka cusub, waxaanu u rajeeyey in Alle ku asturo xilka iyo masuuliyadda loo soo magacaabay”Ayaa lagu yidhi qoraal kasoo baxay madaxtooyada Somaliland.
Sidoo kale, wakiilka iyo madaxweynaha ayaa ka wada hadlay arrimaha amniga Gobolka Geeska Africa, adkaynta xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya, iyo iskaashiga mustaqbalka ee labada dhinac.
Xafiisyada dibulumaasiyadeed ee Itoobiya iyo Somaliland ku kala leeyihiin Addis Ababa iyo Hargeysa, ayaa dhawaan loo dalacsiiyay safaarado, sida ay Somaliland sheegtay, iyada oo Teshome Shunde Hamito hal mar lala magacaabay safiiro badan oo ay Itoobiya dunida u kala diraysay.
Isfahanka aan wali hirgalin ee Somaliland iyo Itoobiya ayay qayb ka ahayd in ay Itoobiya aqoonsi siiso Somaliland, taasi oo ay dowlada Soomaaliya u aragtay xadgudub ka dhan ah madaxbannaanideeda.
Wadahadalo laba jeer ka qabsoomay Ankara oo uu Turkigu dhexdhexaadin ugu sameeyay Soomaaliya iyo Itoobiya, ayaan guul laga gaadhin, iyada oo Soomaaliya ay sheegtay in Itoobiya ay diiday in ay ka noqoto isfahanka ay Somaliland la gashay.