Madaxweynaha oo Sheegay in ay Jiraan Dad Raba inay Khalkhal Galiyaan Doorashada JSL

0
64

Madaxweynaha oo xidhigga ka jaray Laybareeri weyn oo loo bineeyey jaamacadda Hargeysa

 Qore: Boqore Axmed Cabdi

Hargaysa (Dawan) Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in dagaalkan iyo amaandarada Ceerigaabo looga danleeyahay in la khalkhalgaliyo doorashooyinka soo socda.

Sidoo kale waxa uu xusay in amnidarada maalmahan u danbeeyay ka taagneyd  gobolka Sanaag ay ka danbeeyaan dad doonaya in la carqaladeeyo doorashooyinka Somaliland, oo uu sheegay in ay muhiim u yihiin wadajirka Somaliland iyo hoggaaminta suuban.

Waxaanu yidhi. “Maanta qulqulada laga wado Ceerigaabo waxay nagu hansanayaa sow maaha doorashada in la kala tuuro , sow ma ahan doorashada Sanaaduuqdeeda in la khal khaliyo oo aynu taladeenii ahayd yaa ina hogaaminya dooran Karin wayno so ma ahan, kii la doortaaba sow Somaliland maaha, sow mid walba lagama rabo inuu Somaliland horumariyo taasaa la carqaladaynaa oo manta loo danleeyahay”.

Dhinaca kale waxa uu tilmaamay in cid kasta oo soo hurguraysa Somaliland, ama dagaal ula soo badheedha in la iska difaaci doono, waxa uu intaas ku daray in dhibaatooyin kuwan ka waa weyni   uu Qaranku kasoo gudbay, waxaanu bulshada ugu baaqay in aan laga war warin arrin yar oo maalin dhacday waxaanu yidhi

Waxaanu yidhi. “Cid kasta oo soo hurguraysa Somaliland, dhibaato kasta oo dhacda tu ka wayn baynu ka soo baxnay, yaan laga war warin maalin yar oo wax qaloocdaan ama ay ciddi boodboodo, hore waxa aan meel walba uga idhi ninka Somaliland u soo hanqal taagayaa ee dagaal u xiiso qabow waanu kaa dhargin, waanu kaa adkaan doonaa, taas bay bootadeenu tahay, taas baynu ku soo dhaqmaynay, maantana taas baan leeyahay”.

Geesta kale  madaxweynuhu waxa uu qeexay in hadda lagu jiro wakhti doorasho, waxaanu xusay  in loo baahan yahay in la doorto ciddii dalkan hogaamin lahayd si loo ilaaliyo Qaranimada.

Waxaanu yidhi. “Inaguna maanta waxa aynu u wada jeednaa waa doorasho, dad badan baa yidhaahda maanta maalin doorasho maaha, way tahay hadaynaan innagu dooran oo aynaan dhexdeena hogaaminteena ka ogolaan wada socon kari mayno, markaa waxa aynu u baahan nahay in aynu Qaranimada sidaasi u ilaalino.”.

Xaalada magaalada Ceerigaabo ayaa maanta dagan kadib middo laba cisho ah oo ay ka jireen xaalado amaan daro, oo sababay dhimashada ilaa 7 qof, dadkaasi oo ku dhintay Ceerigaabo iyo degmada Goof ee koonfurta magaalada.

Magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag  waxa ka dhaqangalay bandaw ay soo rogeen ciidamada amaanku oo bilaabmay shalay galabtii, kaasi oo lagu xadiday dhaqdhaqaaqa baabuurta shacabka wixii ka danbeeya 4:00 galabnimo.