Xukuumadda oo Wacad ku Martay in ay ka Difaaci Doonto Cidkasta oo Amaandarro ka Abuurta Sanaag

0
67

Qore Boqore Axmed Cabdi

Hargeysa (Dawan) – Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland,  ayaa wacad ku martay in cid kasta oo gobolka Sanaag xasiloonidiisa iyo nabadgelyadiisa khal-khal gelinaysa ay ka difaaci doonto.

Qaraar kasoo baxay golaha wasiirrada ayaa lagu go’aamiyay difaaca Somaliland in doorashoyinka wakhtigooda lagu qabto, qaraarka waxa lagu xusay in shacbiga gobolka Sanaag ay muddo dheer nabad ku wada noolaayeen balse ay soo baxeen kooxo abaabulan oo nabada khatar ku ah, kuwaasi oo raba in ay khalkhal-galiyaan nidaamka doorashooyinka.

“Xukuumadda Somaliland waxay wacad ku maraysaa in cid kasta oo gobolka Sanaag xasiloonidiisa iyo nabadgelyadiisa khal-khal-gelinaysa ay ka difaaci doonto iyadoo kaashanaysa shacbigeeda”Ayaa lagu yidhi qaraarka golaha.

Golaha ayaa ugu baaqay beelaha wada dega Gobolka Sanaag inay ka feejignaadaan cidkasta oo cadaw ku ah wada jirkooda iyo nabadgelyadooda, isla markaana ay nabad ku wada noolaadaan.

“Kuwa colaadaha u soo rarayana ilgaara kuwada eegaan”Ayaa lagu yidhi qaraarka.

Golaha ayaa kulan deg deg ah ugu baaqay xisbiyada iyo ururada siyaasada si looga wada tashado difaaca Somaliland iyo doorashooyinka soo socda haddii ILLAAHEY yidhaahdo.

Gaba-gabadii goluhu waxa uu ka digay ciidamada Masar ee imanaya Soomaaliya oo ay sheegeen in ay amniga khatar ku yihiin, waxa kale oo uu beesha caalamka ugu baaqay in aanay dhagaysan baaqyo uu goluhu sheegay in ay ka dhanyihiin ganacsiga Somaliland oo kasoo baxay dowlada Soomaaliya.

“Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu la socodsiinayaa Beesha Caalamka inaanay dheg jalaq u siin baaqyada iyo qoraalada ay baahinayaan maamulka Muqdisho ee ay ku carqaladaynayaan nabadgelyada iyo ganacsiga Jamhuuriyadda Somaliland, arrimaha Jamhuuriyadda Somaliland khuseeyana Dawladeeda oo qudha lagala xidhiidho.

Madaama Jamhuuriyadda Somaliland iyo maamulka Muqdisho ka dhisan aanu jirin, jiridoonina wax dawladnimo ah iyo wax maamul ah oo ka dhexeeyey.”Ayaa lagu yidhi Qaraarka.