“Anagu waxaanu u xil saaran nahay ilaalinta deegaanka deegaanku waa nolosha…” wasiirka Deegaanka JSL

0
45

Wadamadda caalamku waxay ku dedaalaan kuna tartamaan sidii ay dadkooda u gaadhsiin lahaayeen isku filaanshiyaha dhinaca cuntooyinka, iyadoo si weyn masuuliyad la iskaga saaro soo saari lahaa kayd raashin oo noocyo kala duwan ah.

Taasoo looga dan leeyahay sidii dadweynaha dawladaha caalamka ee arrimahaasi sameeyay ay bulshada ay xukumaan u gaadhi lahayd horumar balaadhan oo dhinac walba leh, isla markaana ay u noqdaan bulsho aan wax badan uga baahnayn dalal kale ee dunida.

Jamhuuriyadda Somaliland oo arrimahaasi ka duulaysa ayaa waxaa dhawaan laga daah-furay magaaladda Hargaysa laga daah-furay mashruuca Kobcinta Quudka iyo Deegaanka Somaliland  (Somaliland Food Systems Resilience Project), kaasi oo uu si toos ah inooga taageerayo Baanka Aduunka.

Mashruucaasi hirgelintiisa waxaa iska kaashanaya wasaarradaha deegaanka iyo isbedelka cimiladda, wasaaradda horumarinta beeraha, iyo wasaarada xanaanadda xoolaha iyo horumarinta reer miyiga ee jamhuuriyadda Somaliland.

Hadaba, qormadeena todobaadkan ee DEEGAAN JIRRE, waxaynu ku soo qaadan doonaa mashruucaasi dhawaan lagaga dhawaaqay caasimadda Hargaysa, mashruucaasi oo noqonaya kii u horeeyay ee noociisa ah oo Somaliland lagaga dhawaaqo ayaa la rejaynayaa marka uu hirgallo inuu wax badan soo kordhin doono.

Waxaana  daah-furkiisa mashruucaasi ka soo qayb galeen wasiirrada wasaaradaha deegaanka iyo isbedelka cimiladda Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, wasiirka Kalluumaysiga iyo horumarinta reer miyiga Maxamuud Warsame Jaamac, wasiirka wasaaradda horumarinta beeraha, agaasimeyaal guud, xubno ka kala socday haayadaha wadashaqeynta la leh wasaarradahaasi iyo Iskaashatooyinka Xoolaha iyo Beeraha ee  dalka ka jira.

Mashruucani oo magaciisu yahay mashruuca isku filaanshaha cuntadda sidii aynu u gaadhi lahayn, ee aynu u samayn lahayn horumar waara, sida ay sheegtay wasiirka deegaanka iyo isbedelka cimiladda Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, oo hadal ka jeedisay furitaankii mashruucaasi.

Wasiirku waxay sheegtay in waxa loo yaqaano horumarka waarra ay u jeedadiisu tahay ama loo la jeedo sidii qof isku filaaday oo wixii uu cunayay oo dhan la soo baxay, isla markaana bulshadeena looga baahan yahay in ay arrintaasi ku baraarugsanaadaan.

Mashruucani ayaa soo socday muddo laba sanadood ah, ayay wasiirku sheegtay in ay ka wasaarad ahaan ka mid ahaayeen wasaaradaha aad ka iyo aadka uga qayb qaatay  sidii uu u fuli lahaa mashruucaasi.

Waxaanay tilmaantay wasiirka deegaanku in arrinta ugu muhiimsan ee inoo taalaa ay tahay  sidii mashruucii iyo lacagtiiba marka la keeno in laga faa’iidaysto oo aan la dayicin mashaariicda World Bank ee is daba joogta, ee aynu magaca dawladnimo ku helnay.

“Mashaariicda aynu World Bank ka helnay, ee aynu magaca dawladnimada ku helnay, iyo madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland oo aynu in badan nagula taliyay ayaanay inaga khasaarin mashaariicda Baanka Adduunku bixiyo, ee  halaga faa’iidaysto. Mashruucani aynu maanta daah-furayno saddexdayadan wasaaradoodba xooga ayaanu saarnay sidii aanu inooga khasaarin” ayay tidhi wasiir Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare.

Wasiirka deegaanka iyo isbedelka cimiladda Somaliland waxa kaloo ay sharaxaad ka bixisay kaalinta ay ka wasaarad ahaan ku leeyihiin mashruucani isku filaanshiyaha cuntadda, kaasoo ay qayb ka tahay in kar inta aan cunto la helin in loo baahan yahay sidii loo ilaalin lahaa loona daryeeli lahaa deegaanka.

Wasiirku waxay si gaar ah farta ugu fiiqaday wasaaradda deegaanku uu yahay noloshii, isla markaana haddii ay tahay xoolo dhaqasho iyo beeralaynimaba in looga baahan yahay sidii loo wada ilaalin lahaa deegaanka.

Wasiirka oo arrimahaasi ka hadlaysayna waxay tidhi, “Anagu ka wasaarad ahaan, waxaanu u xil saaran nahay deegaanka. Deegaankuna waa wareega nolosha, ama beer lahaw, ama Sac lahaw, ama Dibi lahaw, ama Riyo lahaw, wasaarada deegaanku waa tii nolosha. Geellu wuuxu daaqayo, Adhigu wuxuu daaqayo, iyo xoolaha kaleba waa dhul.

Beeraha halka laga samaynayaa waa dhul, oo waa deegaanka. Deegaankaagu hadduu wanaagsan yahay oo uu bed qabo, waxaa lagaaga baahan yahay in beertaada deegaankeedu uu nadiif yahay oo uu caafimaad qabo. Waad og tihiin halka uu maanta inala marayo geedka Garanwaagu, iyo daaqii siduu u baabiiyay. Beeralaydeenii waxaa dhulkii ka qabsaday Garanwaaga, qof iska jarayaana ma jiro”.

Geesta kale wasiirka ayaa si gaar ah fariin ugu dirtay dadka xoolo dhaqatadda iyo beeralayda ah, kuwaasoo ay kula dar-daarantay in ay ogaadaan in waxa ay manaafacaadsanayaan uu yahay dhulka, sidaas darteedna ay lagama maar maan tahay in la wada ilaashado deegaanka.

Shukri Baandare, waxa kaloo ay ka hadashay dhibaatadda ay xoolaha iyo deegaankaba ku keentay dhulka aadka u balaadhan ee nidaamka aan sharciga waafaqsanayn loo xidhay ama loo ootay, taasoo dhibaato ku keentay xoolo dhaqatadda.“Xoolo dhaqatada haddii aan ka hadlo, beeralayda iyo xoolo dhaqatadaba anagu ka wasaarad ahaan waanu soo dhawaynaynaa, waanan la shaqaynaynaa. Sababtoo ah waxay manaafacaad sanayaan waa dhulka.

Markaa haddii aynu ka shaqayn wayno deegaanka, oo aynu ilaalin wayno oo waad og tihiin in dhulkii la iska wada xidhay, nin qabiil ahaan u xidhay, iyo mid si shakhsi ah u xidhay, oo mid aan waxba ka beeraynin ayaa xidhay, oo ku doodaya anigaa xidhay. Haddii loo furo xoolaha dhulkaasi, way anfici lahaayeen, wixii hada ka danbeeyana loo baahna dhul la iska xidho” ayay tidhi wasiir Shukri Baadnare.