Dowladda Taywan oo Hargeysa ku soo Bandhigtay Horumar ay ku Samaysay Wax-soo-saarka Beeraha Dalka

0
89

Qore: Cabdiwahaab Daahir

Hargaysa (Dawan) Agaasimaha guud ee wasaarada Horumarinta Beeraha Somaliland Cabdikariin Aadan Cadde iyo Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Taiwan ayaa ka qaybgalay Bandhig ay Safaarada Taiwan ku soo bandhigaysay wax soo saarka kala duwan ee ay u maal galisay Beeralayda Somaliland.

Qaarka mid ah Beeralayda reer Somaliland ee ay dowlada Taiwan ay u maal galisay Beerahooda oo ay ka mid yihiin kuwa dagan Deegaanada Arabsiyo, Salaxlay, iyo Laaso-dacawo ee ka kala tiran Gobollada Gabilay, Maroodi-Jeex iyo Saaxil ee Beeralayda ah ayaa ka warbixyey una mahadceliyey Dawlada Taiwan, waxaaney safaaradaa Taywan ee magaalada Hargeysa ku ammaaneen sida ay markasta ugarab taagan tahay, isla markaana ay uga go’an tahay sidii loo horumarinlahaa beeraleyda dalka.

Geesta kale waxa munaasibadii loo qabtay soo bandhigsta mashaariicaha dhanka wax soo saarka ee Safaaradu ka caawisay beeraleyda, ka hadlay safiirka agaasimaha guud ee wasaarada beeraaha waxaaney beeraleyda gobollada Gabiley, Maroodijeex iyo Saaxil ay fareen inay dadaalkooda xagga wax soo saarka sii laba jibaaraan si looga baxo ku tiirsanaanta gacmo shisheeye.

Agaasimaha guud ee wasaaradda beeraha ayaa ku booriyay dowladda Taywan inay kordhiyaan shaqada ay dalka ka wadaan gaar ahaan ta xagga beeraha.

Waxaanu yidhi.“Taywan waanu uga mahadcelinayna wada shaqaynta iyo xidhiidhka labada dal ka dhaxeeya, ka wasaarad ahaana shaqada ay nala wadaan waanu uga mahadcelinayna, wada shaqayntuna waa mid ku xidhan Isfahan, waxaanu rajeynayna inay kordhiyaan shaqada ay dalka ka wadaan ee xagga beeraha,”