Madaxweynaha oo Sheegay in Halganka Dalku Soconayo ilaa Laga-gaadhayo Himilada JSL

0
67

“Xisbiga KULMIYE inta uu siidhi afuufo idin odhanmaayo sow dhiigiina ii hurimeysaan”

 Qore Khadar M .Xaashi

Hargeysa (Dawan) Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in halganka dalku uu soconayo ilaa ay JSL, gaadheyso milgaha iyo sharafta ay leedahay ee ah in kursiga Jimciyada Qurumaha ka dhaxeysa ee Qaramada Midoobey ay fadhiisano.

Sidoo kale waxa uu xusay in gobonimada lagu helo dhiiga geesiga, waxaanu intaas ku daray in been iyo ciyaar midna lagu helin, waxaanu bulshada faray inay galaan hegaan buuxa oo lagu difaacayo Qaranka.

Waxaanu yidhi. “Somaliland halgankeedu wuu soconaya ilaa inta qiimaha ay leedahay ay gaadheyso oo fadhiyada Jimciyada Quruumaha ka dhaxaysa ay ka qaybgalayso, halganku wuu dheerada, gobonimaduna waa geed ku baxa dhiiga geesiga, ciyaar ciyaar laguma helo, been beena laguma helo, taasina heegan ayaynu u ahaaneynaa.”

Geesta kale waxa sheegay madaxweynuhu in aanu xisbiga KULMIYE bulshada cod kaga rabin siidhi la afuufo iyo dhiig la daadiyo, balse ay codkaga rabaan wixii ay bulshada u qabteen iyo tacabkii ay gashadeen.

Dhanka kale waxa uu sheegay in hanjabaad iyo afxumo aan cod lagaga helin bulshada, qofka sidaasi wax u rabaana aanay u bilowneyn sida bulshada cod lagaga helo.

Waxaanu yidhi. “Difaac iyo doorasho ayaynu wadna, difaaca weynu u mideysanahay waanad muujiseen, waanad ku mahadsan tihiin.

Anigu murashaxa KULMIYE ayaan ahay, xisbiga KULMIYE inta uu siidhi afuufo idin odhanmayo sow dhiigiina ii hurimeysaan, maya dhiigiina Qaranka ayaad u hureysaan ee aniga ii hurimeysaan.

KULMIYE inta uu siidhi afuufo odhanmayo sow dhiiga ii hurimeysaan, maya ee KULMIYE Qaranka ayuu difaacaya doorashada codadka xornimo ayuu qofku ku bixinaya ciddii aad doontaanbaad siineysaan.

Kulmiye haddii aanu nahay inta aanu sodohaha cayno oo cid walba waxaaney gayayn ku nidhaahno oo aflagaado iyo hanjabaad la nimaadno odhanmeyno na doorta, anagu waxa aanu wax ku dooneyna edeb u dhaxaysa bari ilaa galbeed, bulshadana wixii aanu u qabaney iyo waxa ay dalbadaan in wax looga qabto ayaanu wax kaga dooneyna, balse aflagaado, hanjabaad iyo dhaadasho midna cod ku doonimeyno, ninka intaasi wax ku doonayaana waa mid aan ogeyn codka sida loo bixiyo.”