Xeer-ilaaliyaha Guud oo Go’aan Ka Soo Saaray Go’aankii Golaha Wakiillada

0
63

Qore: Boqore Axmed Cabdi

Hargaysa (Dawan) Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa ka jawaabay go’aan ay golaha Wakiiladu ku diideen Maamuus-ka-xayuubinta Xildhibaan Maxamed Abiib oo maalintii 3aad ku xidhan Jeelka Mandheera ee gobolka Saaxil.

Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa ku tilmaamay in golaha wakiilladu ku xad gudbeen Dastuurka dalka iyo xeer hoosaadka golaha wakiillada, maadaama ay qaraarkoodii shalay ku tilmaameen inay ka go,aan gaadheen warqadii ogaysiinta xadhiga mudanaha ee xeer-ilaalintu u soo gudbisay balse kulankoodu kaliya ku e’kaa warqadii hore ee maamuus ka xayuubinta ee ay u soo gudbiyeen Xeer-ilaalintu.

Xeer-ilaalinta GUUD EE Qaranka ayaa u soo jeediyay golaha wakiillada Somaliland inay xaaladda taagan u habraacaan qodobada 49(4) iyo 79(1) ee Dastuurka JSL.

Qaraal ka soo baxay xafiiska Xeer-ilaalinta guud ee Qaranka kaasi oo ay kaga jawaabayeen go,aankii ay golaha wakiilladu ku laaleen maamuus ka xayuubinta Xildhibaan Maxamed Abiib oo soo gaadhay xafiiska warqabadka Wargeyska Dawan ayaa waxa uu u dhignaa sida tah:-

“Ku: Golaha Wakiilada JSL. Hargeysa

Ujceddo:- Jawaab Celin La Xidhiidha Soojeedinta Maamuus Ka Xayuubinta Mudane Maxmed Abiib Yuusuf

Mudanayaal;

Anagoo tixraacaya qoraalka aad noo soo gudbiseen ee sumadisu tahay CWKE9,24/2024 ee 03/09/2024, ujeedadiisu talay go,aanka golaha ee la Xidhidha Soo celinta Maamuus ka Xayuubinta Mudane Maxmed Abib.

Qoraalkaas oo aad nagu wargelinaysaan inaan la ogaalaan dalabkayagi maamuus ka xavuubinta Xidhibaan Maxamed Abib ee aanu idiin soo gdbinay 14/07/2024, sidoo kalena aad ku tilmaantcen inay sharci daro tahay qoraalka Ogaysinta Xadhiga Xildhibaan Maxmed Abiib ee aanu idin soo gudbinay 03/09/2024, Waana sidan

jawaabtayadu;

Ugu horayn qoraalka Dalabka Maamuus ka Xayuubinta ee Golaha Wakiilaadu diiday waa mid xaaladiisa la soo dhaafay oo ku dhisaa Qod:-493) ,79(2) ce

Waxana ka danbeeyay qoraalka aanu idiin oo gudbinay 03/09/2024 oo aanu idinku ogaysiinayno Xadhiga Xildhibaan Maxarmed Abib oo la Qabtay Isaga oo dànbi Faraha Kula Jira, xaaladaas oo ku dhisan Qod:49(4), 79(1) ee Dastmurka JSI.

  1. Waana laba xaladood oo kala duwan habraaca oo marayso maamuus ka xayuubinta xildhibaanka marka la sOo xidho isagoo danbi faraha kula jira ivo markaanu xidhayn sida ay dhigayaan qodobada Dastuurka ee la xidhiidha.

Sidaas darteed waxa muuqata in Goluhu ka go’aan gaadhay arrin la soo dhaafay (Out of date).

  1. Sidoo kale Qoraalka aad noo soo gudbiseen waxa ka muuqata in laga dhigayo inay Goluhu ka go’aan gaadheen qoraalka ogaysiinta ee 03/09/2024. Taas oo aanay jirin meel uu Golahu kaga go’aan gaadhay oo loogu gacan taagay, balse go’aankoodii fadhigi shalay uu ku koobnaa oo kaliya Qoraalkii hore ee ku taarikhaysnaa 14/07/2024 ee laga soo gudbay. Talabaadan oo ah ku xadgudub Dastuur iyo Xeer Hosaadka Golaha Wakiilada.
  2. Waxa kale oo Qoraalka (Ogaysiinta ah aad ku tilmaanteen inuu ku dhisanyalay eedo la mida kuwii hore , taas oo waxba kama jiraana ah oo ay kala duwan yihiin taariikhada iyo dhacdaduba oo uu falkan dambe galay Xildhibaanku ka dib Qoraalka hore. Lamana odhon karo waa Double Jeopardy, “Mabda’aas sharci oo ah inaan qofka laba jeer lagu ciqaabi karin dambi isku mid ah”, taasoo ah hadii qof dambi lagu dacweevo oo Maxkamaddi Xukun ka soo saarto in aan isla dambigü mar labaad lagu ciqaabi karin. Mana jirto meel lagu Maxkamadeeyey Xildhibaan Maxanmed Abiüb. Sidoo kalena way kala duwan tahay labada dhacdo iyo dambiyada loo haystaba.
  3. Waxa kale oo aad ku tilmaanteen dambiyada lagu soo dacweeyey Mudanaha ce kala ah; Kala-qaybin Bulsheed , Dhiirigelin Dambi iyo u Adeegis Wadamo Shisheeye si lid ku ah Danaha Qaranka JSL. Aanay ahayn dabci ahaan dambiyo faraha la gula jiri karo, taas oo aan la garanayn meel aad ka keenteen qeexitaankaas. Waxaanan idinka codsanayaa inaad qeexitaanka dambi- fara lagula jiro (Flagrante Delicto) aad ka tixraacdaan Qododka 37 ee Xeerka Habka Ciqaabta. hadii kalena aad tafsiir sharci weydisataan Maxkamadda Dastuuriga ah si waafaqsan Qodobka 98aad ee Dastuurka JSL.

Sicdaas darteed, waxaan idinka codsanaynaa in xaalada taagan aad u habraacdaan sida ay dhigayaan Qodobada 49(4) iyo 79(1) ee Dastuurka JSL”.

Allaa Mahad Leh

(C/raxmaan Jaamac Hayaan) Xeer llaaliyaha Guud Ee Qaranka JSL