Bangladesh oo Bilowday Olole ay ku soo Celinayso Hubkii Galay Gacanta Dadweynaha

0
75

Ciidamada amaanka Bangladesh ayaa bilaabay howlgal ay ku soo furteen kumaan kun oo qoryo ah, oo ay ku jiraan kuwii la furtay intii lagu jiray rabshadihii horseeday in xilka laga tuuro hogaamiyihii dalkaa Sheikh Hasina, sida uu booliisku sheegay Arbacadii.

Mudaaharaadyo ay ardaydu hoggaaminayeen oo toddobaadyo socday ayaa isu beddelay mudaaharaadyo waaweyn, iyada oo Hasina ay diyaarad helikobter ah ugu carartay dalka ay deriska yihiin ee Hindiya bishii Agoosto 5teedii ka dib markii ay muddo15 sano ah xukunka haysay.

mudaharaadayaasha ayaa xoog ku galay oo bililiqaystay ​​saldhigyada booliiska, markii ka dibna ya hub gurteen. Haatan muddo bil ah ayaa ka soo wareegtay xilligii wadanka la eryey Sheikh Hazina.

Muxamed Yunus oo ku guuleystay abaalmarinta nabadda ee Nobel ayaa hadda hoggaaminaya dowlad ku meel gaadh ah ka dib dhicistii Hasina.

In ka badan 3,700 oo hub ah oo noocyo kala duwan ah ayaa la soo helay intii lagu jiray cafiskii dadka loo fidiyey iyo dalabkii dadka loo jeediyey oo dhammaaday Salaasadii todobaadkii hore.

Si kastaba ha ahaatee, in ka badan 2,000 oo hub ah oo ay ku jiraan qoryo ayaa la la’yahay, iyada oo ay weheliyaan kumannaan xabbadood oo rasaas ah iyo boqollaal sunta dadka ka ilmeysiisa iyo bambooyinka gacanta laga tuuro.

“Hubkaas oo aan lagu soo celin saldhigyada bilayska muddadii kama dambaysta ahayd ee la qabtay…hubka la dhacay waxaa loo aqoonsan doonaa sharci-darro,” sarkaal sare oo ka tirsan booliiska Enamul Haque Sagor ayaa u sheegay AFP.

Ciidamada Milatariga iyo Booliska iyo sidoo kale cutubyo kale oo ka tirsan ciidamada nabad sugida oo ay ka mid yihiin guutada Rapid Action Battalion (RAB) iyo ciidamada Ansaarta ayaa ka qeyb qaadanaya raadista hubka.

Laba sarkaal oo hore oo bilays ah oo sarsare ayaa sidoo kale loo xidhay cabudhinta rabshadaha wata ee mudaaharaadyada waxaana la dhigay xabsiga, ku xigeenka taliyaha bilayska ee Dhaka Obaidur Rahman ayaa yidhi.

Labada nin ayaa wajahaya eedeymo dil ah, inkasta oo aan weli dacwad rasmi ah lagu soo oogin.

Waxaa ku jira taliyihii hore ee bilayska Chowdhury Abdullah Al Mamun, kaas oo shaqada ka tagay maalin kadib markii ay Hasina baxsatay oo xabsiga la dhigay, Bilayska Magaalada Dhaka ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay salaasadii dambe.

Booliisku waxay sheegeen in uu “muujiyay rabitaankiisa ah in uu isa soo dhiibo – sababtuna tahay kiis isaga ka dhan ah – isaga oo ku jira gacanta ciidanka.”

Waxa la xidhay siddeed maalmood ka hor ayuu yidhi Rahman.

Sarkaal kale oo sare, AKM Shahidul Haque, oo ahaa taliyaha booliiska sanadihii 2014 ilaa 2018, ayaa la xidhay Salaasadii waxaana la dhigay 7 maalmood oo xabsi ah, ayuu yidhi Rahman.

In ka badan 600 oo qof ayaa la dilay bishii hore intaan Hasina xukunka laga tuurin, sida lagu sheegay warbixin horudhac ah oo ay soo saareen kooxda xuquuqda aadanaha u dooda ee Qaramada Midoobay oo sheegtay in dhimashadu ay “u badan tahay mid la dhayalsaday”. Qaar badan oo ka mid ah dadka dhintay waxaa haleeshay rasaas ay booliisku ku fureen.