“Sharcigu Wuxu Dhigayaa Qofka Isu Soo Sharraxaya Madaxwaynuhu Waa Inuu Xisbi ka Yimaadaa

0
53

Qore: Boqore Axmed Cabdi

Hargeysa (Dawan)- Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa su’aal galiyay hadal uu jeediyay murrashaxa madaxwayne ee Xisbiga Waddani kaasi oo ahaa inuu murashax u ahay xibiga Waddani Urrur siyaasadeedka Kaah, waxaanu shacabka iyo guddida doorashooyinka hordhigay in loo fiirsado sida ay sharci ku noqonayo arrintaasi.

Madaxwayanah Somaliland ayaa tilmaamay in sida ay barnaamijyadoodu u kala duwan yihiin xisbi iyo Urrur ay murashaxiintooduna u kala duwan yihiin sharci ahaan, waxaanu wax lala yaabo ku tilmaamay hadalkan uu jeediyay Murashaxa xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Ciro.

Madaxweynaha Somaliland oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Musharaxa xisbiga Waddani ee Cirto waxa uu yidhi waxa aan musharax u ahay xisbiga Waddani iyo Urrur siyaasadeed ka mid ah Urrurada, su’aashu waxa weeye, sharcigu sidaasi ma ogol yahay in aad Urrur iyo xisbi iska wada sharaxdo, waayo labada Urrurka iyo xisbiga Waddani haddii ay laba barnaamij kala leeyihiin oo aanay xisbi qudha wada la hayn, ninka murashaxa ahi ma labadaasi barnaamij ayuu wada fulinayaa.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi waxa kale oo uu intaasi raaciyay “Sharciga doorashooyinku waxa uu leeyahay qofka isku soo sharaxaya madaxwayanaha iyo ku xigeenku waa in uu xisbi ka yimaadaa, muu odhan laba haddii micnihiisaba loo raaco oo ay Urrur iyo xisbi ay tahay labadii isku mid noqon maayaam oo laba Dastuur bay kala leeyihiin, taasi waxaa u dirayaa shacab waynaha in la kala hubsado iyo qolooyinka hoggaaminayo doorashada”.