Somaliland, Waa Dal Jira oo Shaqaynayey in ka Badan Somalia..” Amb. Tibor Nagy

0
48

Hargeysa (Dawan) –  Ergaygii Hore Ee Maraykanka U Qaabilsanaa Afrika Amb. Tibor Nagy ayaa difaacay ahmiyadda heshiiska aqoonsiga iyo badda ee Somaliland la gashay Dawladda Federaalka Itoobiya.

Ku-xigeenkii hore ee Xoghayaha arrimaha dibedda Maraykanka u qaabilsanaa Afrika Ambassador Tibor Nagy isla-markaana soo noqday Safiirka Itoobiya, ayaa sheegay in aanay jirin sabab Soomaaliya uga hor-timaaddo heshiiska badda ee Somaliland la gashay Itoobiya, maaddaama buu yidhi Somaliland tahay dal madax-banaan oo shaqaynayey in ka badan Soomaaliya.

Ambassador Tibor Nagy oo bixiyey Waraysi, ayaa yidhi “Somaliland, waa Dawlad shaqaynaysay in ka badan Soomaaliya, qof walba wuu ogyahay in aanay ahayn gobol ka go’ay Soomaaliya oo ay tahay Dawlad shaqaynaysa iyo dal xaqiiqo ahaan u jira.”

Mr. Nagy oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Dawladnimada JSL ay keentay in Soomaaliya kalsooni ku qabi waydo Dawladnimadeeda “Taas ayaa keenaysa in Soomaaliya ku kalsoonaan waydo jiritaankeeda sharci ahaaneed, waxaana ku sugan Ciidamo ka socda Dawlado badan.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Heshiiska badda ee Somaliland & Itoobiya, wuxuu keenayaa horumar iyo in Dawladnimada Somaliland jidkeeda sii haysato, taasina waata keenaysa in Soomaaliya aanay ku farxin heshiiska, waayo? Heshiiska Baddu wuxuu ku salaysan yahay danaha labada dal ee jaarka la ah Soomaaliya..”

Ambassador Tibor Nagy waxa kale oo uu sheegay in Waddamada Caalamku dhaqaale badan ku siiyaan Soomaaliya si ay cagaheeda iskugu taagto oo ay qabsato doorashooyin cod iyo qof ah, laakiin aanay taasi u suurto-gelin “Adduunkh sanad walba balaayiin dollar ayuu ku bixiyaa, si ay Somalia cagaheeda iskugu taagto iyo inay doorashooyin qof  iyo cod ahi ka dhacaan, laakiin waxa muuqata in weli naqasku hayo.” Ayuu yidhi Ambassador Tibor Nagy.

Heshiiska badda iyo aqoonsiga ee dhex maray Somaliland & Itoobiya bilowgii sanadkan 2024, ayaa si guul ah loo dhamaystiray, waxaana loo diyaar-garoobayaa in si rasmiya loo dhaqan-geliyo, sida uu 11-kii bishan Hargeysa ka sheegay Wasiirka Arrimaha dibedda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee JSL Dr. Ciise Kayd Maxamuud.