Taliyaha Booliska oo Tababar u soo Xidhay 365 Askari

0
62

Saaxil (Dawan)- Taliyaha Ciidanka Booliska JSL, Sarreeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi, ayaa tababar u soo xidhay 365 askari oo ka tirsan Ciidamada Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, kuwaasi tababar uga socday Dugsiga Mandheera ee Mujaahid Lixle.

Taliyaha ayaa askarta kula dar-daarmay inay ka shaqeeyaan sidii ay u dammaanad qaadi lahaayeen amniga iyo xasiloonida dalka, isla markaana ay u xushmeeyaan shuruucda iyo xeerarka booliska, waxaanu u soo jeediyay inay ka fogaadaan wax kasta oo dhaawacaya sharafta Ciidanka iyo ta dalkaba.

Taliyaha ayaa ku adkeeyay in ay ku dadaalaan ilaalinta sharciga iyo xuquuqda muwaadiniinta, si uu boolisku u noqdo awood lagu kalsoonaan karo oo caddaalad ku dhisan, isla markaasina ay bulshadu ku soo hirtaan oo wax kasta gabaad uga noqda dadkooda.

Sidoo kale taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in askarigu noqdo mid hufan oo ku dhaqma anshaxa booliska, iyadoo la tixgelinayo baahida loo qabo in la xoojiyo kalsoonida bulshada ee ciidanka, waxaanu faray inay ka shaqeeyaan sidii loo ilaalin lahaa xidhiidhka wanaagsan ee bulshada iyo booliska, iyadoo la xoojinaayo wacyiga iyo fahamka bulshada ee ku saabsan doorka booliska.

Geesta kale, taliyaha Booliska Somaliland ayaa ku dhiirigeliyay Ciidanku in ay noqdaan kuwo si fir fircoon uga qeyb qaata horumarinta iyo ku-tala-galka qorshayaasha amniga, si loo hubiyo in ciidanka boolisku uu noqdo mid dhisan, awood leh, oo si buuxda uga jawaabi kara baahiyaha bulshada.

Xaflad ballaadhan oo tababarkan lagu soo xidhaayay waxa goob joog ahaa Saraakiil sar sare oo ay kamid yahiin hoggaanka Tababarka , Taliyaha Dugsiga Mandheera iyo Saraakiil ka tirsan Taliska guud Ciidanka Booliska JSL.