“Xisbiga WADDANI Waxa aannu Isku Haysanaa Qaranimada Somaliland” Guddoomiye Maxamed Kaahin

0
69

 

Qore: Khadar M.Xaashi

Hargaysa (Dawan) Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ahna wasiirka wasaaradda Arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa tilmaamay in masuuliyiin xisbiga Waddani ay caado ka dhigteen inay af-lagaadeeyaan masuuliyiinta Qaranka, waxaanu sheegay inay si xisbi ah uga jawaabi doonaa, Maxkamadana la tiigsan doonaa gefafka ay kula kaceen masuuliyiinta Qranka Xisbiga Waddani.

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ahna wasiirka wasaaradda Arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Maxamed Kaahin Axmed waxa kale oo uu wax lala yaabo ku tilmaamay hadallo hore uga soo yeedhay murashaxa madaxweynaha ee xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro, isaga oo ka soo horjeeday horumarka dekeda Berbera iyo shirkadda DP Worl.

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye d Maxamed Kaahin oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “ Horta marka ugu horreysa waxa layaab leh, haddaladii Cabdiraxmaan Cirro waxa ka mid ahaa Axmed Siilaayo maxkamadda ayaanu saaraynaa, xiligii barnaamijka DP World lala galayay. Cabriraxmaan Cirro waxa uu yidhi isaga oo hadlaya, way duuban tahay, way qoran tahay, Axmed Siilaayo waa Khaayinul wadan, Maxkamad baanu saaraynaa.”

Wasiirka wasaaradda Arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Maxamed Kaahin Axmed waxa kale oo uu intaasi ku daray “Sidoo kale Xirsi wuxu cay ka qoray Axmed Siilaayo, intaba waanu ka jawaabi doonaa, doorashada wixii ka danbeeya si xisbi ah ayaanu uga jawaabaynaa oo wixii Maxkamad la saarayo iyo wixii kaleba waanu ka jawaabaynaa”.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa tilmaamay in xisbigii Waddani ay iksu haystaan difaaca dalka iyo inay ka mid yihiin Somaliland waxaanu yidhi “Maanta maxaanu Cirro isku haysanaa, maxaanu ku kala duwan nahay, Waddani waxaanu ku kala duwan nahay Qarankan Somaliland inay ka mid yihiin iyo in aanay ka mid ahayn, Qaranimada Somaliland baanu isku haysanaa”.

Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye ayaa ka jawaabay ballan qaad uu gudoomiyaha Waddani u sameeyay ciidanka Qaranka, kaasi oo ahaa inuu mushaharka u kordhinayo, waxaanu xusay in ay ciidamada jabiyeen xisbiga Waddani markii ay doorashadu soo dhawaatayna ay leeyihiin mushahar baanu ciidanka u kordhinaynaa.

Mudane Maxamed Kaahin Axmed oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Maanta makray soo kartay ee doorashadii soo dhawaatay ayaa Waddani waxa uu leeyahay ciidamada Qaranka lacagta ayaanu u kordhinaynaa, ciidamada Qaranka ee difaaca ayaanu ka mid noqonaynaa, miyay shalayto odhanayeen.

Shalay waxay lahaayeen ciidankii Qaranku wuu jabay, ciidankii Qaranku wuu baaba’ay, xisbiga Kulmiye ayaa ciidankii Qaranka jabiyay, musharaxa madaxwayne ku xigeenka Saajina waa runtii oo berri bay imanaysaa, marka ololaha la galo ayay imanaysaa iyagaa ka mid ah inay qayb fara badan oo ciidamada ah la xidhiidheen oo ay yidhaahdeen ciidamada ka baxa ciidanku ha jabee.

Xisbiga Waddani waxa ay ka soo hor jeedaan difaaca Qaranka, xisbiyadu waa isku mid Qaran bay ka wada mid yihiin, kursigay kala eryanayaan, laakiin difaaca Qaranka kama mid aha maanta, ciidamada Qaranka aamantoodana kama mid aha”.