“Duur-joogta ku Ilaaliya Duurkeeda ay ku Nooshahay” Agaasimaha Waaxda Duur Joogta ee Wasaarada Deegaanka JSL

0
43

Diyaariye:Khadar cabdi muuse

Guud ahaanba wadamadda caalamka waxaa waayadan danbe si weyn looga wada shaqeeyaa ilaalinta iyo daryeelka duur joogta, iyadoona dhaqaale aad u badan lagu bixiyo barnaamijyadda ilaalinta duur joogta.

Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Somaliland ayaa goboladda dalka qaarkood waxay ka fulisay olole balaadhan oo bulshadda lagu wacyigelinayo,kaas oo ku saabsan ilaalinta iyo daryeelka Duur joogta dalkeena ku nool.

Waxaanay wasaaradu wacyigelintaasi 6-dii bishan January ka bilawday kana fulisay goboladda Gabiley iyo Awdal, halka 7-dii isla bishaasina ka fulisay magaaladda Berbera iyo degaamadda gobolkaasi, iyadoona lagu xigsiiyay isla 8-deedii bishaasi oo laga fuliyo gobolka Togdheer.

Ololahani wacyigelineed waxaa qayb ka ah Birro lagu xidhaayo ama lagu dhejinaayo Kaantaroolada laga soo gallo magaalooyinka waddanka oo dhan, sida uu sheegay agaasimaha waaxda duur joogta ee wasaaradda deegaanka Somaliland.

Taasooo Derawalada Gadiidka loogu sheegaayo inay ilaaliyaan duur joogta ku soo beeganta jidadka xiliga ay maraayaan waddooyinka, maadaama oo ay inta badan dhacdo in xiliyadda habeenkii ay baabuurtu jiidhaan duur joog kala duwan.

Waxaana barnaamijkaasi wacyigelinta ah fulinaysa wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimiladda Somaliland gaar ahaana waax duur joogta, kaasoo ay ka qayb qaadanayaan ama fulinayaan shaqaale ka tirsan wasaaradaasi.

Sida uu noo sheegay agaasimaha waaxda duur joogta ee wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimiladda C/naasir Xueen Siciid, oo hogaaminayay barnaamijkani wacyigelineed iyo masuuliyiin kaloo wehelinayay ayaana barnaamijkaasi wada fuliyay.

Hadaba qormadeena todobaadkan ee DEEGAAN JIRRE, waxaynu ku soo qaadan doonaa  agaasimaha waaxda duur joogta oo ka warbixiyay u jeedadda ololahan wacyigelineed iyo mudadda uu soconayo, waxaanu yidhi, “Wacyigelintaasi waxaanu labadii maalmood ee hore waxaanu ka soo fulinay goboladda Gabiley iyo Awdal. Waxaanu ka fulinay wacyigelintaasi magaaladda Berbera ee xarunta gobolka Saaxil.   Waxaanu wacyigelintaasi ka fulin doonaa magaaladda Burco ee xarunta gobolka Togdheer, iyo deegaamadda gobolkaasi ka tirsan”.

Waxaanu intaasi raaciyay, “Goboladda dalkoo dhan waan maraynaa. Degmooyinka, tuullooyinka iyo xataa dhulka miyiga ah, waanu ka fulinaynaa wacyigelintaasi. Bulshada na waxaa lagu wacyigelinayaa sidii ay duur joogta u ilaalin lahaayeen. Birro ayaana lagu xidhayaa meelaha Kaantarooladda ah, ciidamadda amaanka ee  ka hawl galla goobaha Kaantaroolada na waanu la kulmaynaa.

Ololahani wacyigelinta bulshadda ee ilaalinta duur joogta waxa uu soconayaa muddo toban maalmood ah, iyadoo aanu dalkoo dhan ka fulin doono. Waxaana fulinaysa wacyigelintani wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimiladda Somaliland gaar ahaana waaxda duur joogta” ayuu yidhi C/naasir Siciid.

Geesta kale C/naasir Xuseen Siciid, waxa uu sharaxaad ka bixiyay Birraha qaybta ka ah wacyigelintaasi ee lagu xidhay goobaha Kaantarooladda ah ee waddooyinka dalka.

Waxaanu yidhi, “Biirahaasi wacyigelinta qaybta ka ah, waxaanu ku xidhnay Kaantarooladda si qof walboo maraya jidka ama derawaladda gaadiidku u arkaan, sharciyan….. markaa waxaa lagu wacyigelinayaa askarta joogta ama ka hawl gasha Kaantarooladda in ay gaadiidka Waddooyinka maraya la socdaan… sidoo kalena loo sheego in ay ilaaliyaan duur joogta xiliyadda habeenkii Waddooyinka ka gudbaysa, oo aanay jiidhin.

Waayo? Waxaa dhacda, oo aan aragnaa duur joog badan oo baabuurtu ay Waddooyinka ku jiidhaan. Markaa waa wacyigelin guud… oo ay wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimiladda Somaliland sanadkiiba mar samayso. Waxaana fulinta iyo dhaqaale ahaanba wasaaradda deegaanka, oo shaqaalaheedu fulinayaan”.

Ugu danbayn agaasimaha waaxda duur joogta ayaa ugu baaqay guud ahaanba bulshadda reer Somaliland in ay ilaaliyaan duur joogta dalkeena, maadaama oo ay ka mid tahay khayraadka dabiiciga ah ee dalka.

“Fariinta aan u dirayo bulshadda reer Somaliland ee  ku aadan ilaalinta duur joogta waxay tahay, duur joogta halkeedda ku ilaali, duurka ah ee ay ku nooshahay. Duur joogtu na, waa khayraad aynu leenahay, waana quruxda iyo bilicda deegaankeenna oo ay ka qayb qaadataa.

Markaa si jiilasheena danbe loo ilaaliyo, oo aanay hadhowto sheeko ku noqonin sida duur joog badan oo dalkeenu lahaan jiray, oo inaga dabar-go’day waa in kuwan imika jooga la ilaaliyo” ayuu yidhi C/naasir Xuseen Siciid.

Geesta kale wasaaradda Deegaanka iyo isbedelka cimiladda Somaliland ayaa 10-kii isla bishan January waxay gobolka Togdheer ka fulisay wacyigelinta ilaalinta duur joogta. Waxaana fulinta wacyigelintaasi hogaaminayay agaasimaha waaxda duur joogta ee wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimiladda Somaliland C/naasir Xuseen Siciid.

Iyadoona ay masuuliyiinta wasaaradda deegaanka wacyigelintaasi kala qayb qaateen maamulka gobolka Togdheer, ka degmadda Burco, iyo qaybaha bulshadda magaaladda Burco. Fulinta wacyigelintaasi ayaa shacabka deegaamadda gobolka Togdheer loogu diray baaq ku aadan inay ilaaliyaan duur joogta kala duwan ee ku nool gobolka Togdheer.

Agaasimaha waaxda duur joogta ee wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimiladda Somaliland C/naasir Xuseen Siciid, ayaa isna ka warbixiyay wacyigelintaasi iyo goboladda ay ka soo fuliyeen mudadda ay qabteen.

Dhinaca kale isla 15-kii bishan January ayaa wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Somaliland ayaa wacyigelin balaadhan oo ku saabsan ilaalinta deegaanka iyo duur joogta ka fulisay gobolka Sanaag.

Waxaana fulinta wacyigelintaasi wasaaradda deegaanka kala qayb qaatay maamulka gobolka Sanaag. Iyadoona barnaamijkaasi wacyigelinta uu hogaaminayo agaasimaha waaxda duur joogta ee wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimiladda C/naasir Xuseen Siciid.