Gudoomiyaha Golaha Guurtida oo Digniin u Diray Xildhibaano uu Sheegay Inay Ku Milmeen Asxaabta Siyaasada

0
47

Qore Khadar M .Xaashi

Hargeysa (Dawan) Guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa xildhibaano ka tirsan golihiisa uga digey inay ku milmaan xisbiyada siyaasada, waxaa uu sheegay in qaarka mid ah mudaneyaashu ay ku xaragoonayaan astaamihii iyo calamaantii xisbiyada.

Sidoo kale guddoomiye Saleebaan waxa uu sheegay in goluhu aanu asxaabta siyaasada kala jeclayn ee uu dhex u yahay isla markaana ay yihiin kuwii beri u garnaqaya haddii ay isqabtaan.

Waxaanu yidhi.“Gole ahaan waxa aynu lahayn go’aan iyo dhaqan in aynaan asxaabta ku dhexmilmin, ragba maraya in calankii iyo astaantii asxaabta ku xaragoodaan oo huwadaan, waa in la joojiya, waa ayo cida garnaqeysa berri markay asxaabtu isqabtaan, ninkii xisbi hoos ahaan uga mid noqonaya ma ogin ee haku xaragoonina, codeyntaada iyo waxa aad qarsaneyso adey kuutaal, basle golahani waa dhex weeyi berrina haddii la isqabsado isaga ayaa ka garnaqaya”