“Heshiiska Itoobiya iyo JSL ma Jiraan cid Diiday Todobadda Waddan ee Geeska Afrika

0
69

“Heshiiskaas cidda keliya ee ka soo hor jeedaa waa Soomaaliya iyo Jabuuti…” wasiirka Arrimaha dibadda

 Qore Khaddar Cabdi Muuse

Hargaysa (Dawan): Wasiirka arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in heshiiska is-fahamka ee dhex maray Somaliland iyo Itoobiya, ay ka soo hor jeedaan ama diideen wadamadda Jabuuti, iyo Soomaaliya oo kaliya.

Wasiirku waxa uu tilmaamay in heshiiskaasi dhex maray Jamhuuriyadda Somaliland iyo dawladda Itoobiya ay dhamaantood ba wadamadda gobolka Geeska Afrika aanay jirin cid ka soo hor jeesatay, balse cida keliya ee heshiiskaasi ka soo hor jeesatay ay tahay Soomaaliya iyo dawladda Jabuuti.

Wasiir Maxamed Kaahin Axmed, waxa uu sidan ka sheegay hadal uu ka jeediyay xaflad casho sharaf ah oo uu magaaladda Hargaysa ugu sameeyay Badhasaabadda iyo goboladda dalka iyo guddoomiyeyaasha goboladda iyo degmooyinka dalka ee xisbiga Kulmiye.

Wuxuu sheegay in hogaamiyeyaasha xisbiyadda mucaaradka ah looga baahan yahay in ay si buuxda u taageeraan heshiiska isfaham ee dhexmaray Somaliland iyo Itoobiya, isla markaana ay caddeeyaan mawqifkoodda ku aadan heshiiskaasi taariikhiga ah ee dhexmaray labada dawladood ee Somaliland iyo Itoobiya.

Wasiir Arrimaha Gudaha Somaliland waxa kale oo uu xisbiyadda mucaaradka ku eedeeyay in aanay marnaba taageerin ama go’aan cad ka soo saarin difaaca qaranka, iyagoo taa bedelkeedda madaxweyne Muuse Biixi, kelidii ku eedeeya in aanu qaranka difaacaynin.

Wasiirka oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Qarannimadda waxa aasaas u ah waa in laftiisa la difaaco, qarannimadda dalka in la difaacana xisbiga Waddani isku meel kama joogno. Waxaanay arrintaa ka taagan yihiin qarankii wuu jabay, waxa kale oo ay ka taagan yihiin Muusoow waa lagaa adkaaday. Markaa Muuse ayaa laga adkaaday, mise qaranka ayaa laga adkaaday? cida la difaacayaa ma Muusaa? Miyaanay qaranka ahayn? Qoladda Waddani waxa ay ka hadlayaan qarannimada umana eeka, mana leeka”.