“Madaxweynaha iyo Hogaamintiisa Tolmoon…” Saleebaan Cawil

0
54

Wuxuu leeyahay hoggaamin uu meel wax kaga rari-karo meel kalena ku furi-karo ( ku gayn karo). Madaxweyne Biixi, 7 dii Sannadood ee uu xukunka hayey caqabadihii soo food-saaray wuxuu kaga soo gudbay;

(a) Kartidiisa, hawl-karnimadiisa, geesi-nimadiisa, iyo kal-soonida naftiisa ku abuuran ee ILaLAHAY ku abuuray.

(b) Madaxweyne Biixi wuxuu garaacay Geeska Africa.

(c) Wuxuu saamayn TABAN iyo TOGANba ku yeeshay geeska Africa iyo adduunka kale ee innagu xeeran.

(d) Caalamka wuu ku-yar-yahay nin sida Biixi u dhiiran, u babda’ adag, oo aragtidiisa ku adag, marka ay timaaddo arimaha Somaliland iyo arimaha Qaranku.

2: WAXQABADKIISA

( a) Somaliland wuu carraabi-yey,

wuu Jarmaadi-yey oo wuu iib-geeyey, hadal-haynteedana wuu fogeeyey oo meel fog ayuu gaadh-siiyey.

(b) Wuxuu fadhiisiyey deganaanshaha saraifka shillinka Somaliland.

(c) Wuxuu salka u dhigay nadaamka maali-yadeed ee wadanka.

(d) Wuxuu yareeyey oo uu la-dagaalamay Musuq-maasuqii oo nin waliba wixiisa ayuu iimaan-saday.

(e) Wuxuu sameeyey Barmaamujka Shaqo Qaran oo fursad loo siman-yahay abuuray,

3: DAWLADNIMADA

(a) Wuxuu dhisay nadaamka dawladnimo, kal-soonida dawladnimo, iyo kala-sarerynta dawladnimo.

4:Caqabadihii Soo Food-Saaray 7 Dii Sandood Ee Uu Xukunka Hayey Ee Uu Ka Dabaashay Waxa Ka Mid Ahaa;

(a) Covid19, oo dhaqaalihii caalamka bur-buriyey oo isu-socodkii adduunka kala xidh-xidhay.

(b) Suuqii WAAHEEN ee gubtay oo saamayn ku yeeshay dhaqaalihii Somaliland, dawladuna lacago badan ku bixisay sidii looga soo kaban- lahaa.

(c) DAGAALKII RUUSHKA iyo UKRAINE, dagaalkaas oo sababay cuntadii caalamaka oo yaraatay/ gabaabsi-noqotay, kadibna ay ka dhalatay sixir-bar baahsan oo ku faafay caalamka.

(d) Isu-socodkii badeecadaha caalamka oo yaraaday iyadoo ay sababtay xasaradaha ka taagnaa marinada GACANKA CADMEED iyo BADDA MADAWBA.

(a) Fara-gelinno siyaasadeed oo ay wadeen dawlado iyo quwado shisheeye oo doonayey in ay Somaliland u dhammeeyaan.