Madaxweyne ku Xigeenka oo ka Qayb Galay Munaasibad lagu Weynayayo Xuska Dhalashada Nabiga (CSW)

0
44

Qore: Khadar M. Xaashi

Hargeysa (Dawan) Xuska xabiibkeeni Maxamed NNKH ayaa lagu qabtay magaalada Hargeysa, waxaana xuskan soo qayban qaabiyay Axmed Yaasin Sheekh Cali Ayaanle.

Madaxweyne ku Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici ayaa shalay ka qayb-galay munaasibad ballaadhan oo magaalada Hargeysa loogu sameeyay xuska Dhalashada Nabigeena (CSW), taas oo sannad walba laga xuso guud ahaan waddamada Islaamka.

Laba iyo tobanka (12) Bisha Rabiicul’awal ee taariikhda Hirjiyada, waxa ay ku beegan tahay maalintii uu dhashay Xabiibkeenii Muxamed NNKH, waxaana inta badan maalintani laga xusaa waddamo badan oo Caalamka ah si loo wayneeyo dhalashada Nabigeena suuban.

Shalay oo Axad ahayd waxa ay ku beegnayd 12 Rabiicul’awal 1446-kii Taariikhda Hirjiga, taasi oo ah maalin si wayn loo xuso dhalashada Rasuulka NNKH, Hargeysa waxa ay ka mid ahayd meelaha sida wayn looga xusay dhalashada Rasuulka NNKH.