Musharixiinta Doorashada Madaxtooyada JSL oo balanqaaday tartan bilaa turxaan ah

0
49

Hargeysa (Dawan) Musharixiinta Doorashada Madaxtooyada Somaliland ayaa koomiishanka doorashooyinka u balanqaaday in ay u tartami doonaan si bilaa turxaan ah, sharcigana ilaalin doonaan.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ka sharaxan xisbiga Kulmiye, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, oo ka sharaxan Waddani iyo Faysal Cali Waraabe, oo ka sharaxan UCID, ayaa sheegay in ay ixtiraamayaan xeerarka doorashada.

Madaxweynaha ayaa dhankiisa isaguna u mahadnaqay koomiishanka, isaga oo kula dardaarmay in ay ka fogaadaan waxkasta oo keeni kara in la canaanto, waxa uuna balan qaaday in uu u hoggaansamayo shuruucda doorashada.

Waxaanu yidhi.”Odayaal waayeel ah ayaanu nahay, oo doorashana soo maray, oday wayn oo la waaniyaana waa balaayo, markaa dalka shuruucdiisa nalaga waanin maayo annaga”

“Garoonkii waa diyaar waa xili doorasho, waynu tartamaynaa, waxkasta oo koomiishanku go’aamiyana diyaar ayaanu u nahay”Ayuu yidhi Musharax Cirro.

Faysal Cali Waraabe, ayaa isna musharixiinta ugu baaqay in ay xakameeyaan taageerayaashooda, oo laga fogaado hadalada xanafta leh, xiliga doorashada.

Musharixiinta ayaa shalay la guddoonsiiyay shahaadada rasmiga ah ee muujinaysa in ay matalaan xisbiyada ay ka socdaan.