Mudaneyaasha Golaha Guurtida oo Dalbaday in loo yeedho Wasiiraddda Macdanta iyo Ganacsiga

0
165

 

Qore Boqore Axmed Cabdi

Hargeysa (Dawan) Fadhigii shalay ee golaha guurtida Somaliland oo uu shir guddoominayay guddoomiyaha golahaasi Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa dood ka yeeshay ahmiyada ay macdantu u leedahay dalka, waxaaney xuseen sida ay laga maarmaanka u tahay in la horumariyo macdanta waddanku, isla markaasna looga faaโ€™ideysanlahaa.

Sidoo kale qaarka mid ah mudaneyaasha ayaa tallo ahaan u soojeediyeen in dhuxul dhagaxda dalkeenu hodanka ku yahay la soo saaro bulshadana looga faaโ€™ideeyo.

Dhanka kale waxa ay mudaneyaashu ka hadleen sida ay laf dhabarta ugu tahay adeegbixinta korontadu dalka, waxaaney ka dalbadeen masuuliyiinta Korontada in ay hoos u dhigaan qiimaha adeega Laydhka, si bulshada danyarta ahi u helaan koronto jaban.

Mudaneyaashu waxa ay shirguddoonka ka dalbadeen in la soo gola joojiyo wasiiradda wasaaraddaha tamarta iyo ganacsiga si wax looga weydiiyo hawlaha kala duwan ee ay Qaranka u hayaan