Agaasimaha Wasaaradda Horumarinta caafimaadka oo Kormeeray Xarumaha mashruuca Damal caafimaad

0
22

Qore: Cabdiwahab Dahir

Gabilay, (Dawan) Agaasimaha guud ee Wasaaradda horuamrinta caafimaadka Dr Maxamed Cabdi Xergeeye iyo wafti uu hogaaminayo ayaa kormeeray xarumaha uu ka socdo mashruuca Damal caafimaad ee gobolka gabilay

Kormeerkan waxa Agaasimaha guud ee Wasaarada caafimaadka ku wehilanayey, isuduwayaasha wasaarada caafimaadka ee gobolada Gabilay iyo marood-ijeex, Agaasimaha waaxsa shaqaalaha, Agaasimaha waaxda adeegyada caafimaadka bulshada iyo muuliyiin kale oo ka tirsan wasaarada caafimaadka iyo hayada mashruucan fulinaysay ee Alite..

Waftigan kormeerka u samaynayey meelaha uu ka socdo mashruuca Damal caafimaad ayaa kormeerkooda ku maray  magalada  hargaysa, Gabilay iyo wajaale.

Markii uu soo dhamaaday kormeerkani  ayaa waxa siwadajira ula hadlay warbaahinta dawlada masuuliyiinta masuliyiintan kormeerka samaynayey.

Ugu dambayntii  waxa halkaasi ka hadlay madaxa mashruuca damal caafimaad Agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadka oo halkaasi ka hadlay  waxaa hadaladiisii ka mid ahaa.

“Waxanu ku jirnay maalintii labaad si xidhiidh ah aanu kormeerayno, goobaha caafimadka oo iskugu jira xarumaha Hooyada iyo Dhalaanka iyo cisbitaalada gaar ahaan Gobolka Maroodi-Jeex, gaar ahaan meelaha uu ka shaqeeyo mashruuca Damal caafimaad, u jeedada safarkayaguna waxa uu ahaa uun habsami u socodka  hawlaha ay wadaan shaqaalaha  caafimaadku iyo inaan eegno mashruucan oo sodocday muddo afar sano ah wixii kasoo kordhay.”