Somaliland oo Waxbarsho Dibadeed u Diraysa Ardaydii Kaalmaha Hore Ka Gashay Intixaanka Shahaadiga ah

0
22

Qore: Boqore Axmed Cabdi

Hargaysa (Dawan) Xukuumadda Somaliland ayaa ku dhawaaqday inay deeq waxbarashoo oo dalka dibediisa ah u dirayso ardaydii kaalmaha hore ka galay imtixaankii shahaadiga ahaa ee ay wasaaradda waxbarashu ku dhawaaqday.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Aadan Camash Buuxane ayaa sheegay inay dedaal dheer u galeen sidii ay deeq waxbarasho dibeda ah u gayn lahaayeen ardayda kaalmaha hore ka gala imtixiaanka Shahaadiga ah, waxaanu xusay inay ku guulaysteen waxbarashadaasi bilaashka ah waxaanu yidhi

“Waxaan halkan ku balan qaaday maalintii Imtixaanka aan qaadaynay in aan Buur dheer iyo Buur gaabanba u fuuli doono in aan waxbarasho dibeda ah u doono ardayda ugu sareeya imtixaanka ee scholar-ka ah, kaasi oo ardayda ku baasta darajada A+ aanu gayn doono lixdanka arday ee ugu sareeya gobollada oo dhan.

Geesta kale wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland ayaa shaaciyay qoondada ay kala heleen ardayda kaalmaha hore galay ee gobollada dalku, isaga oo sheegay gobol kastaa inta uu ka helay deeqdan waxbarasho ee dalka dibediisa ah waxzaanu yidhi

“Waxa ILLAAHAY mahadii ah lixdankii arday waxbarsho toos ah ayaanu u helnay waanu u haynaa, waxaanu u samaynay kooto ardayda dhigata gobol walba sidaasi awgeed mar kasta oo aanu qaybinayno waxaanu ku qaybinaynaa kala horaynta xarfaha Soomaliga ah ee gobollada, waxaana ugu horeeya Awdal waxaanu helay sagaal xubnood oo scholar ah oo dibeda ah, gobolka Badhan waxa uu helay xubin, gobolka Buuhoodle waxa uu helay xubin, gobolka Daadmadheedh waxa uu helay xubin, gobolka Gabiley waxa uu helay xubin, gobolka Hawd waxa uu helay xubin, gobolka Maroodi Jeex oo ugu badan waxa uu helay xubin, gobolka Saaxil waxa uu helay sadex, gobolka Salel waxa uu helay xubin, gobolka Sanaag waxa uu helay afar, gobolka Saraar waxa uu helay xubin, gobolka Togdheer waxa uu helay sagaal xubnood.

Waxaanu ku Darnay intaasi 15 xubnood oo dheeraad ah oo aanu ugu talogalnay keyd ahaan haddii ubadka qaarkood ay u suurtogali waydo socdaalku aanu ku badelno ciddii keyd ah ee soo galaysa, samayn mayno in aanu kii aanu doono keeno balse sida ay isugu xig xigaan ayaanu kor u soo qaadaynaa”.

Ugu danbayn Imtixaanka Shahaadiga ah ee Somaliland ayaa lagu dhawaaqay maalintii Khamiistii, kaasi oo sanadkan ay kaalmaha hore safafka hore kaga jireen hablaha Somaliland oo dedaal dheeri ku dhaafay ragii dhinaca waxbarashada.