“Gir-gireyaasha Dhuxusha Madhxiya Faa’iidadoodu Waxay Tahay Sidii Loo Yarayn lahaa Dhuxusha ay qoysasku…”

0
35

Wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimiladda jmahuuriyadda Somaliland ayaa qorsheyaal kala duwan u dejisay sidii hoos loogu dhigi lahaa dhuxulaysiga iyo jarista dhirta, taasoo ka mid ah aafooyinka waayadan danbe ku habsaday deegaankeena.

Tallaabooyinkaasi waxaa ka mid in la sameeyo waxyaabo lagu bedelayo addeegsiga dhuxusha, isla markaana waxay u jeedadu tahay in la helo waxyaabihii loo isticmaali lahaa tamar ahaan ee geli lahaa halka maanta dhuxusha laga isticmaalo.

Qorsheyaashaasi waxaa ka mid ah sidii bulshadda loo fahamsiin lahaa isticmaalka Shooladaha cuntadda lagu kariyo, iyo sidoo kale sidii bulshadda loo fahamsiin lahaa ama loo bari lahaa in la heli karo waxyaabo kale oo lagaga maarmayo dhuxusha.

Sidoo kale waxyaabaha ay wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimiladda Somaliland qorshaysay in lagu bedelo isticmaalka dhuxusha waxaa ka mid ah in dadweynaha ku nool magaalooyinka dalka la gaadhsiiyo iyagoo qiimahoodu jaban yahay Gir-gireyaasha dhuxusha madhxiya.

Inkastoo Gir-gireyaasha dhuxusha madhxiya ay yihiin kuwo dalkeena gudihiisa lagu sameeyo, hadana waxaa la dejiyay qorshe ay dhaqaale ahaan ku kabayso farsamoyaqaanadda sameeyo Gir-gireyaasha dhuxusha madhxiya, iyadoona wasaaradu dadka danyarta ah ee magaalooyinka dalka qaarkood Gir-gireyaashaasi kaga iibinaysa qiime jaban.

U jeedadda ay wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimiladda jamhuuriyadda Somaliland ka leedahay kabka dhaqaale ee Gir-gireyaasha dhuxusha madhxiya ayaa ah sidii loo dhiiri gelin lahaa farasmo-yaqaanadda sameeyo Gir-gireyaashaasi, isla markaana ay bulshadda danyarta ah ee aan dhaqaale ahaan awoodin iibsashadda Haamha Gaasta cuntadd alagu karsadaa ay qiime jaban ugu heli lahaayeen Gir-gireyaashaasi.

Hadaba, qormadeena todobaadkan ee DEEGAAN JIRRE, waxaynu ku soo qaadan doonaa barnaamij ku saabsanaa sidii bulshadda qaybaheedda danyarta ah loo gaadhsiin lahaa Gir-gireyaasha dhuxusha madhxiya, mashruucaasi oo ay dhawr sanadood ka hor wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimiladda Somaliland ka fulisay magaalooyin dalka ka mid ah.

Waxaanay wasaaradda deegaanka Somaliland Gir-girayaasha Dhuxusha Beekhaamiya u qaybisay qaar ka mid ah dadka Danyarta ah ee ku nool magaalooyinka Hargaysa, iyo Burco, Gir-gireyaashani oo ah kuwa dalka gudihiisa lagu sameeyo, ee ay farsameeyaan dadka Tumaaladda ah ayaa 500 oo ka mid ah laga qaybiyay caasimadda Hargaysa, halka 500 oo kalena laga qaybiaya Burco.

Qaybinta Gir-gireyaasha Dhuxusha madhxiya ayaa looga dan leeyahay in hoos loogu dhigo isticmaalka Dhuxusha oo ka qayb qaata xaalufka iyo nabaad-guurka deegaanka, iyo in la dhiiri geliyo dadka farsamo-yaqaanadda ah ee sameeya Gir-gireyaashaasi.

Iyadoona Gir-gireyaashani ay qayb ka yihiin mashruuc ay ay in muddo ah soo wada fulinayeen wasaaradda Deegaanka Somaliland iyo haayadda UNDP, kaasoo la doonayo in bulshada kuweedda danyarta ah in lagu gaadhsiiyo Gir-gireyaashaashi dhuxusha beekhaamiya.

Mashruucaasi oo muhiimadiisu ahayd yaraynta Dhuxusha, sida uu sheegay Caydaruus Ismaaciil Muuse, Agaasimaha Waaxda Qorsheynta ee wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada JSL, oo ka warbixinayay Gir-gireyaashaasi ay qaybiyeen.

“Waxaynu halkan u joognaa in aynu qaybino Gir-gireyaasha Dhuxusha Madhxiya, oo qayb ka ah mashruucii weynaa ee ay wada, wadeen wasaaradda Deegaanka Somaliland iyo haayadda UNDP.

Mashruucaasi oo muhiimadiisu ahayd yaraynta Dhuxusha. Mashruuucaasi marxalado badan ayuu soo maray, oo faa’iidooyin badan u leh qaranka, marka loo eego ilaalinta degaanka. Sanadka na waxaa lagu jiraa gebagabadii mashruuca”ayuu yidhi agaasime Caydaruus.

Waxyaabaha ugu muhiimsanaa ee uu mashruucu qabtay waxaa ka mid ahaa, in Gaaska cuntadda lagu kariyo la gaadhsiiyay goboladda bariga Somaliland waxaana goboladda qaarkood loo qaybiyay haamaha Gaaska oo gaadhaya ilaa 800, oo xabadood.

Sida uu sheegay agaasime Caydaruus Ismaaciil Muuse, oo faahfaahin ka bixiyay waxyaabihii ugu waaweynaa ee laga faa’iiday mudadii uu mashruucaasi soo socday, waxaanu yidhi

“Waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee uu mashruucu qabtay waxaa ka mid ahaa, in Gaaska cuntadda lagu kariyo, la gaadhsiiyay goboladda bariga Somaliland.

Waxaana goboladda laga qaybyay haamaha Gaaska oo gaadhaya ilaa 800, oo xabadood. In la caawiyay ama la taageeray shirkado yar yar oo soo koraya, oo geedka Garan-waaga u bedelaya Dhuxul.

Sidoo kale waxa uu mashruucu caawiyay tan aynu u joogno, ee aynu ku qaybinayno in dadka danyarta ah ee ku nool magaalooyinka Hargaysa iyo Burco, loo qaybiyay kun Gir-girre. Waxaanan rejaynaynaa in Gir-gireyaashaasi ay dhimaan isticmaalka Dhuxusha” .

Geesta kale Gir-gireyaashani ayaa 500 oo ka mid ah lagu sameeyay gobolka Togdheer, gaar ahaana magaaladda Burco, halka 500 boqol ee kalena lagu sameeyay magaaladda Hargaysa.

Waxaana mashruucaasi ka gacan siiyay wasaaradda deegaanka Somaliland haayadda UNDP iyo haayadda Waddaniga ah ee Candle Light.

Iyadoona madashii qaybinta Gir-gireyaashaasi ee magaaladda Hargaysa ay goob joog ka ahaayeen saraakiil ka kala socday haayadahaasi kala ah UNDP, iyo Canlde Light.

Agaasimaha Haayadda Candle light  Cabdirisaaq Bashiir Libaax, ayaa tilmaamay in la filayaan in Gir-gireyaasha Dhuxusha madhxiyaa ay isticmaalka Dhuxusha hoos u dhigaan 50%, isla markaana uu mashruucani ku tacaluqo sidii deegaankeena loo bad-baadin lahaa.

U jeedadda labaad ee mashruucani looga dan leeyahay ayuu ku tilmaamay in ay tahay sidii shaqooyin na loogu abuuri lahaa, loona dhiiri gelin lahaa dadka farsamoyaqaanadda ah ee sameeya Gir-gireyaasha Dhuxusha Madhxiya.

Isagoo arrimashaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi, “Gir-gireyaasha Dhuxusha Madhxiya sababta loo sameeyay, iyo faa’iidadoodu waxa weeye, Dhuxusha faraha badan ee ay dadku isticmaalayaan sidii loo yarayn lahaa. Waxaanan rejaynaynaa in Gir-gireyaashani ay hoos u dhigaan 50% Dhuxusha ay qoysasku isticmaalayaan.

Waana mashruuc ku tacaluqa sidii deegaanka loo bad-baadin lahaa. Shaqooyin na loogu abuuri lahaa, loona dhiiri gelin lahaa dadka farsamoyaqaanadda ah ee sameeya Gir-gireyaasha Dhuxusha Madhxiya”.

Gebagebadii Cabdi Abokor, oo ka socday haayadda UNDP oo wasaaradda Deegaanka Somaliland kala shaqaysa arrimaha bad-baadinta deegaanka ayaa sheegay in mudadii uu mashruucani soo socday inuu wax badan ka qabtay daryeelka deegaanka.

Waxaanu tilmaamay in hadda lagu jiro qaybtii ugu danbaysay ee mashruuca maadaama ay muddo sanad iyo dheeraad ah soo wadeen, isla markaana ay kumanaan Gir-gireyaasha dhuxusha madhxiya ah ka soo qaybiyeen magaalooyinka dalka qaarkood, kuwaasoo la gaadhsiiyay qoysaska danyarta ah ee magaalooyinkaasi ku kala nool.