Golaha Guurtida oo Dood ka Yeeshay Arrimaha Horumarinta Deegaanka ee Dalka

0
31

Qore Boqore Axmed Cabdi

Hargeysa (Dawan) Fadhigii shalay ee Golaha Guurtida Somaliland oo uu shir guddoominaayey Guddoomiyaha Golahaasi Mudane- Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa Mudaneyaasha Golahaas waxay dood dheer ka yeesheen sidii loo ilaalin lahaa Deegaanka, fayo dhawrkiisana looga shaqayn lahaa, iyada oo ay mudaneyaashu Beeraleyda wadanka ka codsadeen in sii laban laabaan tacabka wax soo saarka dalaga Beeraha.

Dhinaca kalena, Mudaneyaasha Golaha Guurtida Somaliland waxay doodoodaas ku soo qaadeen,kagana hadleen dhibaatada Geedka Garan waagu uu ku hayo Deegaanka, iyaga oo Masuuliyiinta wasaaradda Deegaanka iyo isbeddelka Cimiladda Somaliland ka dalbaday in ay la yimaadaan Siyaasad cad oo wax lagaga qabanaayo Geedka garanwaaga,waxa aanay soo jeediyeen mudaneyaashu habab kala duwan ay tilmaameen in lagaga hortegi karo nabaad guurka iyo xaalufka ku yimaadda Deegaanka.

Geesta kalena, Mudaneyaasha Golaa Guurtida Somaliland ayaa waxay xukuumadda u soo jeediyeen in wax laga qabto dadka seerayaasha oota ,isla markaana xoolaha u diida in ay manaafacaadsadaan seerayaasha.

Mudaneyaasha Golaha Guurtida Somaliland ayaa sida oo kale ka hadlay Fayo-Dhawrka magaalooyinka dalka, waxa aanay fariin u direen maayirada magaalooyinka waaweyn, iyaga oo ka codsaday in ay wax ka qabtaan Fayo-dhawrka,isla markaana siyaabo kala duwan looga faa’iidaysto caagadaha biyaha iyo sharaabka laga isticmaalo ,iyada oo loo isticmaalaayo habab kale.

Gaba-gabadiina, Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland ayaa Guudida arrimaha Bulshadda ee Golahaas ka codsadey in Golaha hor keenaan Xeerka Hawlgabka iyo Xaqsiinta Shaqaalaha Dawladda Maalinta salaasada ah, si Gole weynuhu hawshooda uga guto.