Madaxwayne Muuse Biixi Waa Calankii iyo Qarankii oo Qof ah oo Socda” Pro. Samater

0
35

Qore Cabdiwahaab Daahir

Hargeysa (Dawan) Guddoomiyaha urur siyaasadeedka Hilaac Pro: Axmed Ismaaciil Samater, ayaa ka hadlay dawladnimda iyo wax yaabaha asaaska u dhismaha dawladnimada iyo in la helo dawladda shaqaynaysa, waxaanu sheegey in ay halbawle u tahay waxa ay ardaydu barteen iyo waxa Machadka ay ka qalin jabiyeen uu u taagan yahay.

Guddoomiyaha urur siyaasadeedka Hilaac Pro: Axmed Ismaaciil Samater  waxa uu sidaasi ka sheegay hadal uu ka jeediyay munaasibad ay ku qalin-jabinayeen arday ka aflaxday Machadka shaqaalaha dawladda Somaliland, waxaanu yidhi ‘’Horumarka waddan waxa weeye badalaad goor walba taagan illaa goorta ay aduunyadu dhamaato, taas oo laga shaqeeyo”.

Dhanka kale waxa uu sheegey in madaxwayne Muuse Biixi Cabdi, kaliya aanu ahayn madaxweynaha waddanka, balse uu huwan yahay shaadhka iyo astaatan qaranka. waxaanu yidhi “Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi qof maaha, ee waa calankii oo socda iyo qarankii oo socda.”

Geesta kale waxa uu is-dultaagey inay jiraan afar qodob oo muhiim u ah dowlanimada, taas oo uu saldhig uga dhigay horumarka dhaqan-dhaqaale iyo bulsho, waxaanu yidhi “Ilaalinta deegaanka iyo caafimaadka, in wadanku ka yeesho siyaasad iyo farsamo lagu dhiso dhaqaalaha si loo helo koritaan dhaqaale, la jaan qaadka isbadalka dhaqanka iyo tan ugu dambaysa oo ah sida maamulka waddanka iyo sida laysugu xidhayo wakhtiga taagan isla markaana mashaakilka iyo xaaladaha taagan ay siyaasadu noqoto muftaaxa lagu furo.”

Gaba-gabadii aqoonyahan Axmed Ismaaciil Samatar ayaa sheegay in ay laga maarmaan tahay sidii loo heli lahaa maskax caafimaad qabta si loo tiigsado horumar ballaadhan oo qaranku gaadho, sidoo kalena waxa uu aad ugu dheeraaday dhaqaalaha iyo hurmarkiisa.