Muwaadiniinta Qatar oo loo ogolaaday inay visa la’aa soo galaan Mareykanka 1 Hal Saac ka hor

0
52

Dawladda Mareykanka ayaa salaadadii sheegtay in muwaadiniinta Qatar ay hadda kadib inay Mareykanka soo geli karaan visa la’aan, taas oo dalkan ku yaalla Khaliijka ka dhigeysa dalkii ugu horreeyey ee Carbeed ee sidaas loo ogolaado.

Waaxda Arrimaha Dibedda iyo Waaxda Amniga Gudaha Mareykanka ayaa si wadajir ah ugu dhowaaqay in Qatar ay ka soo baxday shuruudo adag, si ay ugu biirto barnaamijka ka dhaafista dal-ku-galka.

Shuruudahaas ayaa waxaa ka mid ah; tirada muwaadiniinta Qatar ee loo diido visa-ha Mareykanka oo yar, heerka dadka Qatar ee Mareykanka kusii nagaada kadib marka dal-ku-galku ka dhaco oo aad u hooseeya iyo in Qatar ay si wanaagsan ula dhaqanto muwaadniinta Mareykanka ee dalkaas booqanaya, oo hadda loo ogol yahay in ay joogaan 30 maalmood visa la’aan.

Boqortooyada hodanka ku ah tamarta ayaa noqonaya dalkii 42-aad ee ku biira barnaamijka ka dhaafista visa-ha, sida ay sheegtay Waaxda Amniga Gudaha.

Heshiiska “waxa uu sii xoojin doonaa iskaashiga istiraatijiyadeed ee naga dhexeeya, waxa uuna kor u qaadi doonaa isu socodka dadka iyo ganacsiga ee ka dhexeeya labadeena dal,” ayuu xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Antony Blinken ku yiri bayaan uu soo saaray.

Qatar — oo muwadiniinta u dhashay dalka ay yihiin tiro yar oo ka mid ah dadka dalka degan — ayaa muddo kula loolameysay dalalka kale ee hodanka ah ee Khaliijka Carbeed saameyn ballaaran oo ay ku yeeshaan caalamka.

Qatar oo hoy u ah saldhig weyn oo ay leeyihiin ciidamada Mareykanka, ayaa hoggaamineysa dadaallo aan illaa hadda miro-dhalin oo heshiis xabad-joojin looga gaarayo dagaalka Gaza.

Waxay sidoo kale horey gacan uga gaysatay in Mareykanka uu soo daadgureeyo kumanaan qof oo reer Afghanistan ah oo xulufo la ah, xilli Taliban ay dib u qabsaneysay dalka.

Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay inay u furan yihiin in dalalka kale ee Khaliijka Carbeed in ay ku biiraan barnaamijka ka dhaafista visa-ha.

Dalalka aan muwaadiniintooda u baahneyn visa si ay usoo galaan Mareykanka ayaa badankood ah dalalka hodanka ah ee Yurub iyo Bariga Asia.

Dalka kaliya ee Muslimka ah ee kahor Qatar qeybta ka ahaa barnaamijkan waa Brunei.

Dowladda Mareykanka ayaa sanadkii tegay barnaamijkan ku dartay Israel kadib sanado ay isku khilaafsanaayeen. Si ay ugu biirto barnaamijka, Israel ayaa waxay ballan-qaaday in aysan takoorin muwaadiniinta Mareykanka ee asal ahaan Falastiini ama Carab ah ee dalkaas booqanaya.

Barnaamijka ka dhaafista visa-ha, ayaa muwadiniinta waxay kaliya hab online ah u maraan hubin kahor inta aanay soo bixin, intii ay codsan lahaayeen dal-ku-gal.

Qaar ka mid ah dadka ayaa si kastaba loo sheegaa in ay codsadana visa, gaar ahaan haddii ay horey u booqdeen dalal ay cadaawad kala dhaxeyso Mareykanka, sida Iran oo kale.

Inkasta oo dadka Qatar ku nool ay ka badan yihiin 3 milyan oo qof, kaliya in yar oo ka mid ah kuwaas – ilaa 320,000 – ayaa ah muwaadiniin Qatari, kuwaas oo ka faa’iidaysan kar barnaamijkan haddii ay haystaan baasaboor.

Dadka ugu badan ee ku nool dalka Qatar ayaa ah shaqaale ajaaniib ah iyo dad kale oo ajaaniib ah oo aan haysan baasaboorka Qatar.